Heshiis La Xiriira Ganacsiga Qaadka oo Kenya iyo Soomaaliya Gelayaan Maalmaha soo socda.

0
47

Wasiirka Horumarinta Beeraha Kenya MKithika Linturi, ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay la saxiixan doonto Soomaaliya heshiis ku saabsan Qaadka Miirwoga, si loo xaqiijiyo waxay ugu yeertay faa’iidooyinka dhaqaale ee joogtada ah iyo in loo helo qaab sharci ah oo ku saabsan ganacsiga qaadka.

Mr. Linturi ayaa xusay in dalagyada lacagta caddaanka ah ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Meru, taasoo wax weyn ka tarta sida uu sheegay nolosha dadka ku nool gobolka Meru ee Kenya.

Linturi, oo ka soo jeeda gobolka Meruc ayaa sheegay in labada waddan ay diyaar u yihiin inay saxeexaan heshiiskan. Gaar ahaan, wuxuu sheegay in heshiiska qalinka lagu duugi doono May 8, 2024.

Warkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Kenya ay wado dadaalo ay ku doonayso in ay dib ugu xoojiso ganacsiga Miiraawga ee loo dhoofiyo Soomaaliya.

Ganacsatada Kenya ayaa ka cabanaya in canshuur badan laga qaado Qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya, taasoo ay sheegeen inay carqalad ku noqotay ganacsigooda.