Ra’iisul Wasaara Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu ku tago dalka Kenya Booqasho Markii ugu Horeysay tan iyo markii uu Noqdey Ra’iisal wasaare, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha Kenya Korir SingOei oo la kulmay wafdi ka socday shirkadda raysal Ingiriisida.
Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay oo raysal wasaare Xamsa uu tago Nairobi intii uu Ra’iisul Wasaare ahaa tan iyo markii uu Xilka la wareegay 25kii Juun 2022.
“Kenya iyo Soomaaliya waa deris wanaagsan, waxeyna sii wadi doonaan ka wada shaqaynta labada dal iyo gobolka si loo helo barwaaqada wadajirka ah ee dadkeenna.
Waxaan ka wada hadli doonaa Marka uu Si rasmi ah uu dhawaan ku yimaado Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.” Ayuu yiri Korir SingOei.
Safarka raysal Xamse ayaa loo Maleynayaa inuu ku saabsan yahay, dib u eegis lagu Sameeyo labada dal oo ay ka midtahey amniga iyo wadajirka, duulista, suuqa iyo, kobcinta tafatirka bulshada iyo tacliinta sare ee labada dal.
Maalmo ka hor, Wasiirka Beeraha Kenya ayaa sheegay in bisha May ay Soomaaliya iyo Kenya wada gali doonaan heshiis ganacsi oo ku saabsan Qaadka Miirowga ee Kenya ay usoo dhoofiso Soomaaliya.












