Guri Ku Yaal Shabeelada Dhexe ayna ku Shirayeen Al-shabaab oo Duqeyn Cirka ah Dhulka Lala Simay.

0
45

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa saaxibada Caalamka oo is kaashanaya ayaa saacadahii lasoo dhaafay duqeymo dhanka cirka ah Ka fuliyay deegaano ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhaxe iyo Mudug.

Duqeynta koowaad oo ka dhacday deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay in lala eegtay guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan kooxda Al-shabaab, hayeshee aanan la shaacin khasaaraha ka dhashay.

“Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ka fuliyay Degmada Ruunirgood ee Gobalka Sh/dhaxe, waxaana dhulka lalasimay guri ay ku shirayeen xubna sare sare oo ka tirsan AS” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale diyaaradaha dagaalka ay duqeymo la beegsadeen bar koontarool oo ku taala Ruunirgood oo kooxdu lacago uga qaadan jirtay gaadiidka isticmaala wadadaas, waxaana duqeyntaas lagu dilay dhowr iyo toban ka tirsan Al-shabaab.

“Duqaynta ayaa lala beegsaday koontarool ay khawaarijtu ku baadi jireen gaadiidka shacabka ay isticmaalaan, waxaana qasaaraha hordhaca ah ee khawaarijta halkaasi ku gaaray yahay dhowr iyo toban maleeshiyaad iyo gaadiidkii ay wateen oo halkaaasi lagu bur buriyay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Dhinaca kale diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeyn culus ku burburiyay afar xarumood oo kooxda Jabhadaha loogu yareeyo ku lahayeen tuulada lagu magacaabo Carfuudo oo ka tirsan gobolka Mudug.

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in sidoo kale lagu burburiyay duqeynta guri iyo garaash isku dhex yaalay oo kooxdu ku diyaarin jirtay gawaarida qaraxyada ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Duqeymahaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali kooxda Shabaab deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Shabeellaha dhexe ay geystaan qaraxyo iyo weeraro toos ah.