Dawladda Dalka Mareykanka oo Sheegtay in aysan Qorshaha ugu jirin Aqoonsiga Somaliland.

0
8

Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R. Anderson, ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorsheynayn inuu aqoonsado Somaliland, isagoo caddeeyay in siyaasadda Washington ay weli ku saleysan tahay ixtiraamka madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Anderson ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan wax qorshe ah u lahayn inuu saldhig ciidan ka dhisto Somaliland, inkastoo saraakiil ka tirsan AFRICOM ay booqashooyin ku tageen deegaannada Somaliland sannadihii la soo dhaafay.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya, Anderson wuxuu sheegay in Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka. Wuxuu xusay in Mareykanku uu diyaar u yahay iskaashi uu la yeesho dowlad diiradda saarta wax ka qabashada caqabadaha amniga iyo danaha la wadaago.

Taliyaha AFRICOM ayaa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin nabad, amni iyo barwaaqo, balse wuxuu sheegay in guusha arrimahaas lagu gaari karo ay ugu dambeyn ku xirnaan doonto hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo xusay in horumarka waara lagu gaari karo oo keliya iskaashi dhow oo u dhexeeya labada dhinac iyo dadaallada ay hoggaaminayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Go’aanka Maraykanka ayaa yareynaya mala-awaalladii la xiriiray suurtagalnimada in Mareykanku dhowaan aqoonsado madax bannaanida Somaliland si lamid ah tallaabadii Israaiil ku aqoonsatay Somaliland bishii December ee sanadkii hore.