Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ooa galinkii dambe ee Khamiista gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, xilli ay socdaan diyaar-garowga shir madaxeedka dalalka taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Museveni ayaa sidoo kale falanqeeyay dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada, iyagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga gobolka si looga hortago khataraha amni ee saameeya Geeska Afrika.
Labada madaxweyne ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan shir madaxeedka dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Kampala.
Shirka ayaa la filayaa inuu xoogga saaro mustaqbalka taageerada amniga Soomaaliya, xoojinta howlgalka AUSSOM iyo sidii loo sii dardargelin lahaa dadaallada lagu dhisayo hay’adaha amniga iyo dowladnimada dalka.
Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado amni oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dowladda Federaalka ay ku tiirsan tahay taageerada dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed loona xaqiijiyo xasillooni waarta.
Kulanka Kampala ayaa muujinaya dadaallada sii socda ee Soomaaliya iyo Uganda ay ugu jiraan xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah, iyadoo labada hoggaamiye ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku sii waddo taageerada amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta.





