Maamulka Madaxweyne Trump oo Urur u Dooda Muhaajiriinta ku eedeeyey in uu Takooray Soomaalida Mareykanka Ku Nool..

0
4

Ururka African Communities Together iyo dacwoodayaal kale ayaa ku eedeeyay maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu ku takooray dadka Soomaaliyeed asal ahaan iyo jinsiyaddooda, iyagoo sheegay in go’aanka lagu joojinayo Temporary Protected Status (TPS) uu jebinayo Wax-ka-beddelka Shanaad ee Dastuurka Mareykanka.

Dacwadda ayaa sheegaysa in maamulka uu hore u sii go’aamiyay in la soo afjaro TPS-ka Soomaaliya, iyadoo daliil looga dhigayo qoraal uu Trump ku daabacay bartiisa bulshada bishii Nofeembar 2025, ka hor inta aan Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS) dhammaystirin dib-u-eegistii sharciga ahayd ee lagu qiimeynayay xaaladda Soomaaliya.

Dacwoodayaashu waxay ku doodayaan in tallaabadaasi ay ka qaadday dadka Soomaaliyeed ee haysta TPS xaqii ay u lahaayeen hannaan sharci oo caddaalad ah, maaddaama go’aanka, sida ay sheegeen, la sii gaaray ka hor inta aan la dhammaystirin habraacyadii sharciga.

Dacwaddan ayaa sababtay in Garsoore federaal ah oo ku sugan gobolka Massachusetts uu mar kale si ku-meel-gaar ah u hakiyo qorshaha maamulka Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaalida, kadib dacwad cusub oo lagu doodayo in go’aankaasi uu jebinayo xuquuqda dastuuriga ah ee dadka Soomaalida ah.

Garsoore Allison Burroughs ayaa Jimcihii soo saartay amar maamul oo hakinaya dhaqan-gelinta joojinta TPS-ka, kaddib markii ururka African Communities Together iyo dacwoodayaal kale ay dib u habeeyeen dacwaddooda. Waxay ku eedeeyeen maamulka Trump inuu ku takooray dadka Soomaaliyeed asal ahaan iyo jinsiyaddooda, taasoo ay sheegeen inay ka hor imanayso Wax-ka-beddelka Shanaad ee Dastuurka Mareykanka.

Dacwadda cusub ayaa timid maalmo uun kadib markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaasi ay meesha ka saartay amarro la mid ahaa oo hakiyay joojinta TPS ee muwaadiniinta Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan. Go’aannadaas ayaa ku salaysnaa xukunkii Maxkamadda Sare ee bishii Juun, kaasoo si weyn u xaddiday awoodda maxkamadaha hoose ee lagu joojin karo go’aannada maamulka ee la xiriira TPS marka aan lagu salayn arrimo dastuuri ah.