Saraakiisha ciidammada dowladda ee ku sugan gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegay in ay dilleen tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab kaddib dagaal culus oo maanta ka dhacy dulleedka magaalada Baydhabo.
Gen Ibraahim Yaroow oo ah taliyaha qeybta Lixdanaad ee ciidammad xoogagga dalka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ay...
Ururka Suxufiyiinta Puntland(MAP) oo cambaareeyey wariye jirdil iyo handadaad Garoowe loogu geystey.
Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa si kulul u cambaareeyay Fal Gacan ka hadal iyo hanjaabaad isugu jira oo lagula kacay wariye ka tirsan wargayska iyo mareegta Horseed oo kamid ah warbaahinada ka howl-gala Puntland.
Ururka Map ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay ogaysiiyeen laamaha Ciidamadda Amniga Puntland,...
Doorashadii dhawaan dalka Gambia ka dhacday ayaa madaxweynaha xilka ka dagaya ee in badan soo maamulaayay dalkaasi waa yahya Jammeh uu ogolaaday inuu xilka wareejinaayo kadib markii uu qiray in doorashada looga adkaaday.
Doorashooyin hore ayuu diiday in lagaga adkaaday asagoo la sheegay inuu xilka isku dhajiyay. 22 sano ayuu...
Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala oo maalintii shalay ay la wareegeen ciidammada dowlad gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in halkaa ay ka waddaan ciidammada howlgal nadiifin ah, kaddib markii ay halkaa isaga baxeen maleeshiyaadkii Daacish in mudo ahba gacanta ku hayay.
Sawiro laga soo qaaday degmada ayaa muujinaya foojignaanta wali...
Boqolaal kun oo qaxooti ah oo isugu jira Soomaali iyo dadyow kale ayaa macaluul qarka u saaran xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ee Kenya.
In ka badan 400,000 oo qaxooti ah oo xeryahaa kunool ayaa xaalado adag oo raashin yari ah ay lasoo gudboonaatay kadib markii heyadihii raashinka bixin jiray ay...
Darawal tagsi ayaa Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo dhawaan senetka Mareykanka loo doortay ku yiri hadalo Islaam nacayb ah.
Ilhaan Cumar ayaa qaxooti ahaan kusoo gashay Minnesota Mareykanka sanado badan ka hor dabadeedna dadaal dheer kadib doorashadii dhaweyd loo doortay inay xubin ka noqoto senetka Mareykanka. Waxay noqotay...
Sawirka maanta iyo Amiin arts ayaan waxaan soo qaadaney Hashii Maandeeq oo ay ku habsadeen ama ku fariisteen 7 ruux oo mid kastaaba si arxan daro ah uu halbawlaha u jarayo,waxaan aad ula yaabey kan hashii inta uu qoorta uga fariistey mindida uu dhiiguu difleeyahey hadan daabka sii heysta...
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota iyo Hay'ada Read Horn of Africa REED oo Shir jaraa'id Wadajir ugu Qabtay Minneapolis uga hadlay Xaaladda adag ee abaaraha ka taagan Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Labadaan dhinac, ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay gacan u fidiyaan dadka ay abaaruhu wax-yeelleeyeen.
Shirka jaraa’id waxaa ka hadlay, Culammada,...
Kulan looga hadlayay is-hor-taaggii lagu sameeyay doorashadii xildhibaanimo ee Caasho Xaaji Cilmi, ayaa shalay lagu lagu qabtay Muqdisho, Taasoo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jiray Rag iyo Haween.
Mas’uuilyiintii ka hadlay kulanka, waxaa ka mid ahaa; Bashiir Max’ed Aadan, Cabdulaahi Cilmi Xuseen, C/kariin Axmed Maxamuud, Saciid Siyaad...
Dhul-gariir ku dhuftay Gobolka Aceh ee Waddanka Indonesia, ayaa dilay ugu yaraan 97-qof, sida ay sheegeen Saraakiisha Millateriga Dalkaas.
Cabirka dhul-gariirka, ayaa waxaa lagu Qiyaasay 6.5 Rector, Dhismeyaal badan ayaa Bur-buray, waxaana laga cabsi qabaa in aydad badan ku hoos xayiran yihiin burburka hoostiisa.
“Waxaan dhul-gariirka waxaa illaa hadda ku dhintay...


















