Dublamaasiyiin Mareykan ah oo uu diidey in la ceyriyo M/weynaha dalka Ruushka PUTIN.

0
402

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuusan eryeyn diblomaasiyiin reer Mareykan ah oo Ruushka jooga kadib dhacdadii lagu soo eryay 35 diblomaasi oo Ruush ah.

Mareykanka ayaa soo eryay diblomaasiyiintaa kadib markii uu sheegay in dawlada Ruushku faragaliyeen doorashadii Mareykanka ee dhawaan dhacday. 

Wasiirka arimaha dibada ee Ruushka ayaa madaxweynaha usoo jeediyay in uu diblomaasiyiin Mareykan ah ceyriyo laakiin waa uu diiday.

‘Dhibaatooyin ka dhan ah diblomaasiyiin Mareykan ah abuuri meyno. Qof aan eryeyno maleh’. Sidaa ayuu yiri Putin.

Madaxweyne Putin ayaa rajo ka qaba in madaxweynaha ladoortay dhawaan ee Mareykanka Donald Trump uu xiriirka labada dal hagaajin doono markii uu xilka qabto bisha soo socota.

WARSOM2011@GMAIL.COM

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak