Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsato ka kala tirsan 219 shirkadood, ayaa looga dalbaday dowlada in ay wax ka badal ku sameyso sida ku qoran war-saxafadeed ay soo saareen habka dakhli ururinta iyo qaadista canshuuraha.
War-saxaafadeedka ka soo baxay ganacsatada oo loo kala diray laamaha dowladda, ayaa lagu sheegay in arin la qabli karo aheyn sidda ay hadalka u dhigeen in canshuur laga qaado ganacsato Soomaaliyeed lagu maal-galiyo ganacsato kale, iyaga oo intaa ku daray in arintan tahay mid baal marsan guud ahaan sharciga qaadista canshuuraha.
Ganacsatadan ayaa ku baaqay in marka hore dib u habeyn dhab lagu sameeyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed, inta ka horeysana wax matalaad ah yeelan karin.
Warkan ka soo baxay ganacsatada oo ahaa mid ku saleysnaa toosinta iyo hagaajinta habka qaadista canshuuraha, ayaa lagu yiri’’ Sida la ogsoonyahay canshuurta waa dakhli maaliyadeed oo ku soo uruura qasnadda dowladda ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya, canshuuraha furdada Muqdisho waa dakhliga ugu muhiimsan ee dawladda Federalka Soomaaliya si dhab ah ugu tiirsan tahay, gaar ahaan canshuuraha laga qaado badeecooyiinka dibadda laga keeno (Imported Goods and Services).
W axaa kaloo war-saxaafadeedka lagu yiri’’ Qaadista canshuuraha furdada iyo uruurinta dakhliga waxay ku saleysan yihiin sharci, mana jiro sharci dowladeed oo ogolaanaya in dakhliga canshuurta furdooyinka dalka laga siiyo khidmad boqoleey ah shaqsi, shirkad, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Iwm. Sababtuna waxa ay tahay in dakhliga canshuurta loo adeegsan karo oo keliya danaha guud ee ummadda.
Waxaa sidoo kale ku cad war-saxaafadeedkan in gudiga ganacsatada gobolka Banaadir ee kulanka yeelatay ku shaqeyn doonaan wixii hada ka danbeeya dhismaha cusub ee rungta ganacsiga gobolka Banaadir magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii, dowlada ayeey ka dalbadeen in laga foojignaado in lacago laga qaaday ganacsato Soomaaliyeed lagu maal-galiyo ganacsato kale, taasoo xadgudub ku ah yeesheen guud ahaanba habka daqli ururinta iyo qaadista canshuuraha.
Kulanka oo noqonaya kii ugu ballaarnaa oo ay ganacsatada ku yeeshaan magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonaan laamaha dowladda ee ku shaqda leh canshuuraha iyo daqliga laga qaado ganacsatada.
warom2011@gmail.com