Sunday, September 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Munaasabad lagu Maamuusayay Xirtaanka Sannad-dugsiyeedka Iskuulka SIREC iyo Madarasada Cumar Faaruuq ayaa lagu qabtay Magaalada Johannseburg ee dalka Koonfur Afrika, waxaa kasoo qayb-galay bulshada qaybaheeda oo isugu jiray Aqoon-yahanno, Waxgarad, Ganacsatada iyo Waaliddiinta Caruurtoodu at wax ka bartaan Madarasadda iyo Iskuulka. Munaasabaddan ayaa intii ay socotay ayaa lagu soo bandhigay...
Ilaa 60 qof ayaan raq iyo ruux midna lagu heyn kadib markii markab siday uu dagay meel  u dhexeysa Yemen iyo Soomaaliya kuna dhow jasiirada Socotra. Wasaarada kalluumeysiga ee Yemen ayaa maanta sheegtay warkaa ayadoo sidoo kalena warbaahin dhowr ah oo ay kujirto warbaahinta dawlada Yemen ay tebisay warkaa. Dadkii...
Saddex Suxufi oo Somali ah oo Cabsi uga Cararay Magaalada Muqdisho ayaa Qoxootnimo ugu sugan dulleedka Magaalada Lesbos ee dalka Giriigga, iyagoo doonaya inay u sii tallaabaan waddammo ka tirsan Qaaradda Yurub. Kamaal Xasan, Yaasiin Abuukar iyo Kawthar C/raxmaan ayaa sheegay inay Muqdisho uga carareen hanjabaado ay kala kulmeen Al-shabaab,...
Shimbirka Meng, ayaa Socdaal dhib badan kaddib si nabad kusoo gaaray Soomaaliya, isagoo hadda ku sugan xeebaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Shibirkan Meng lagu magacaabo, ayaa lagu xiray Qalabka muujineysa halka uu marayo, ka hor intii uusan ka soo duulin Waqooyiga Waddanka Shiinaha. Milkiilaha Shimbirkaan oo u dhashay Ingiriiska ayaa...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Xildhibaannada labada Aqal ee lagu doortay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Xasan Sheekh, ayaa horay ugu hambalyeeyay guushii ay ka gaareen doorashadii dhacday Kismaayo. Wuxuuna Kulan Dar-daarmay Xildhibaanada Labada Aqal ee Kismaayo lagu doortay inay ka shaqeeyaan Danaha Dadka Soomaaliyeed...
Maamulka Koonfur-galbeed ayaa soo Gunaanaday Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Cusub ee Federaalka Somalia, Iyadoo tirada guud ee Xubnahaan ay tahay 69 Xildhibaan. Hadaba, AKHRISO: Magacyada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baydhabo lagu doortay; Maxamed Sheekh Cusmaan 02. Ibraahim Isaaq Yaroow 03. Fowsiya Maxamed Sheekh 04. Shariif Maxamed Cabdalla 05. Daahir Cabdi...
Madaxweeyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan cidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubaland oo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar ciidan uga socday xaruntii hore ee Jaamacadda Kismaayo ee duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo. Ciidamada tababarka loo soo xiray oo ay tiradoodu gaareeyso ilaa 1264 askari ayaa...
Ayadoo bulshada Soomaaliyeed ay mudooyinkii u danbeeyay hormar ka sameeyneeysa dhanka isticmaalka farsamooyinka casriga ah iyo adeegsiga aaladda Internetka ayaa waxaa dhawaan laga hirgeliyay magaalada Hargeysa Machad hab Online ah loogu baran doono Diinta Islaamka. Dugsiga barashada diinta Islaam ee Somali Islamic Online ayaa bilaabay koorsooyin lagu baran dooono casharro...
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max'ed Cumar Carte ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee ku soo baxa doorashada xubinnimada aqalka hoose ee gobollada W/qooyi Soomaaliland ku matallaya baarlamaanka federaalka ee cusub. Waxaa is maan dhaaf ka jiraa halka saxda ah ee doorashada beelaha dirta waqooyi ka dhaceyso iyadoo uu shaley...
-Boqolaal dhallinyaro ah ayaa laga hawlgalin doonaa Gaarisa si ay nadaafada uga shaqeeyaan magaaladaa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya. In ka badan 9 boqol oo dhallinyaro ah ayaa nadaafada inay ka shaqeeyaan loo diiwaan galinayaa iminka kuwaasoo sidoo kalena ka shaqeyn doona barnaamijka xoojinta dhallinyarada ee NYS. Shalay ayaa...