Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey diyaar garowga shirka London oo 11ka May ka dhacaya dalkaas UK, gaar ahaan Lancaster House ee caasimada London.
Wasiir Eng. Yarisow oo ka hadlaya diyaar garowga shirka ayaa yiri “Dowladda Federaalku si aad ah bey ugu diyaargarowday shirka London...
Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Duqeynta ayaa dhacday xalay, waxaana sidoo kale diyaaradaha ay duqeyeen deegaanka Mubaarak oo saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.
Laba diyaaradood ayaa la sheegay in ay duqeynta fuliyeen, kuwaas oo aan la...
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa uga digtay mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ilaaladooda intaba in ay handadaan dadka shacab ah.
Guddoomiyaha maxkamada darjada koowaad ciidamada qalabka sida G/sare Xassan Cali Shuute ayaa sheegay in dilkii loo geystay habeennimadii Arbacadii aynu soo dhaafnay loo soo xiray saddex askari oo ilaalo ahaa...
Guddoomiyaha maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar ayaa iska casilay xilkii hay’adaasi.
“ Xilkaas waan iska casilay, sababtunna waxaa ay tahay muddo hadda laga joogo toddoba sannadood ayaan hayay xilkaas ilaa wakhtigaas iyo hadda waxaannu ku jirnay hawl-gal, markaa waxaannu darreensanayn Hay’addan magacowgeeddii kadib, inaan diyaar loo...
Wasiirka wasaarada arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay wax yaabihii ay ka wada hadleen wafdigii dowladda federaalka Soomaaliya ee dhawaan gaaray magaaalada Addis Ababa iyo mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya.
‘’Kulan toos ah oo dhaxmaray wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Itoobiya oo...
Hanti Dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis ay xalay ku sameeyeen xubnaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, kaddib dilkii habeenimadii Arbacada loo geystay wasiirkii howlaha guud ee DF Cabbas Cabdullaahi Siraaji.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in xil ka qaadistaasi aheyn mid...
Gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah oo ay caawa ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay si qota dheer uga wada hadleen dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay alle u ha naxariistee wasiirkii howlaha guud Cabbaas Siraaji.
Kulanka oo uu shir guddoominayay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali...
Waalidiintii ardayda hablaha ah ee dugsigoodii la kala baxay ayaa walaac ka muujiyey in caruurtoodii iyagoo la ogaysiin qaarkood lagu celiyey wadamadii dibadda ee markii hore ka yimaadeen.
Waalidiintii hablaha yaryar ee qurbojooga ah ee dhiganayey dugsiga boodhinka ah ayaa maanta la kulmay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaanay ka codsadeen in...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo deg deg ah ugu soo laabtay dalka kaddib safar maalintii shalay uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo ka qeybgallay salaada Janaasada wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda federaalka Cabbaas Siraaji oo xalay lagu dilay magaalada...
Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.
Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican...


















