Shir Goboleed looga Hadlayo Ka Hortagga Colaadaha oo Magaalada Muqdisho Markii Ugu Horeysay Marti Gelisay.

0
2

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku martigelisay magaalada Muqdisho shirkii 18-aad ee Guddiga Xoghayeyaasha Joogtada ah ee Nidaamka Digniinta Hore iyo Jawaab-celinta Khilaafaadka ee urur-goboleedka IGAD (CEWARN), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dalalka gobolka ee ka hortagga colaadaha iyo ilaalinta nabadda.

Shirka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka kala socday dalalka xubnaha ka ah IGAD, Xoghaynta ururka iyo khubaro ka tirsan CEWARN, kuwaas oo ka wada hadlay horumarinta nidaamyada digniinta hore, si loo ogaado khataraha amni loogana hortago isku dhacyada ka hor inta aysan isu beddelin colaado.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadow, ayaa soo xiray shirka, halka mas’uuliyiinta IGAD ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in xogaha digniinta hore loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortagayo colaadaha.

Ajandaha kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qiimeynta waxqabadkii hore, xoojinta nidaamyada digniinta hore ee dalalka xubnaha ka ah ururka iyo dejinta mudnaanta istiraatiijiyadeed ee CEWARN ee sannadaha 2026 ilaa 2030.

Martigelinta shirkan ayaa Soomaaliya u suuragelinaysa inay door muuqda ka qaadato dadaallada gobolka ee nabadeynta iyo xasilloonida, xilli dalalka Geeska Afrika ay weli wajahayaan caqabado la xiriira amniga, colaadaha iyo xasillooni darrada siyaasadeed.