Hay’adda King Salmaan ee Dalka Sucuudiga oo Afurin ka billaabeysa Gudaha Soomaaliya.

0
659

Hay’adda gargaarka King Salmaan ayaa bilaabeysa Howlo gar gaar ah, kaasi oo lagu Afurinayo dadka aan awoodin ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka Saudi Press Agency (SPA) ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in gar gaar gaaraya 596,340 cuno Afurin ah in laga fulinayo gudaha Soomaaliya.

Mashruucan Afurinta ah ayaa laga qeybinayaa dhammaan gobolada dalka, waxaana marka hore laga bilaabi doonaa deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale Wakaalada waxaa ay sheegtay gar gaarkan ay ka faa’iseysan doonaan dadka Soomaaliyeed ee Sooman, kuwaasi oo horey ay u saameeyeen Abaraha dalka ka jira.

Hay’adda gar gaarka Bani’aadanimo ee King Salmaan ayaa mashruucan waxa ay la kaashaneysaa xafiiska Hormarinta ururka Islaamka (OIC).

warsom2011@gmail.com