Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadallada maamulkiisu la yeellanayo Puntland iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
Xaaf ayaa sheegay ayaa sheegay dib u heshiisiinta iyo nabadgelyada in ay hadda ugu culus tahay howlaha hor yaalla maamulkiisa, balse wuxuu tilmaamay in ay ka shaqeynayaan arrimahaasi.
Madaxweyne Xaaf wuxuu kaloo sheegay in ay wada hadal ka bilaabayaan Gaalkacyo, Caabud-waaq iyo Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay wada hadal kula yeelanayaan masuuliyiinta Puntland iyo Ahlu Sunna
Arrimaha amniga waxa auu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen nabadgelyada.
Mar uu soo hadal qaaday khilaafka Ahlu Sunna Waljameeca kala dhaxeeya ayuu sheegay in dooda Ahlu Sunna tahay mid siyaasadeed oo ka duwan tan Puntland, islamarkaana ka maamul ahaa diyaar u yihiin sidii xal loogu heli lahaa.
Dhawaan markii la caleemo saaray madaxweynaha Galmudug ayuu sheegay in maamulkiisa xoogga saari doono wada hadal lala furo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee fadhigiisu yahay Dhuusa-mareeb.
warsom2011@gmail.com








