Ergeyga Q/M ee Soomaaliya Keeting oo soo dhaweeyey Heshiiska ay gaareen M/weynayaasha Galmudug iyo Puntland.

0
567
Michael Keating, pictured in a May 2011 epa file photo from Kabul, is to head the UN assistance mission to Somalia. EPA/S. SABAWOON +++(c) dpa - Bildfunk+++
Michael Keating, pictured in a May 2011 epa file photo from Kabul, is to head the UN assistance mission to Somalia. EPA/S. SABAWOON +++(c) dpa – Bildfunk+++

Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay heshiiskii magaalada Cadaado ay dhawaan kula saxiixdeen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

War- saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa labada madaxweyne maamul goboleed loogu amaanay heshiiska ay kala sexiixdeen ,waxaana looga codsaday labada dhinac in ay ka shaqeeyaan in ay ka mira dhaliyaan hishiiskaas.

“Beesha caalamka waxay soo dhaweyneysaa heshiiska nabadeed ay gaareen labada Madaxweyne waxaana loo baahanyahay labada dhinac in ay meel mariyaan heshiiskaas, anagana waxaan ka shaqeyneynaa in aan qeybteena ka qaadano heshiiskaas islamarkaan dhiira galino” ayuu yiri Keating

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Gaas iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku heshiiyay in xal kama dambeys ah laga gaaro dhibaatada Gaalkacyo.

warsom2011@gmail.com