Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ku guuleystay musharaxnimada xisbiga Jubilee ee Xaafadda Kamakunji oo ay hoos tagto xaafadda Islii oo aa u dagenyihiin Soomaalida ku nool magaalada Nairobi sida uu WARSOM u xaqiijiyey goobjooge ku sugan xaruunta xisbiga Jubilee ee magaalada Nairobi.
Natiijada hordhaca ahayd ayaa lagu sheegay in xildhibaan Yuusuf Xasan...
Meydka wasiir Cabaas Cabdullahi Siraaji, oo xalay lagu dilay nawaaxiga Madaxtoyadda Soomaaliya ayaa maanta lagu aasayaa magaalladda Muqdishu.
Aas-Qaran ayaa la filayaa in loo sameeyo Wasiir Cabbaas, waxaana ka qeyb-gali doona madaxda dowladda Soomaaliya, oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Xasan Cali Khayre.
Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy...
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka tacsiyeynaysaa geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabbaas Siraaji oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Marxuumka waxaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa...
Wasiirka Dastuurka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Federaalka Switzerland ee Soomaaliya.
Safiirka iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa dhameystirka iyo turxaan bixinta Dastuurka Soomaaliya, taas oo ay Dowladda Switzerland gacan ka geysaneyso.
Kulanka labada mas'uul ayaa waxaa...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Bole International Air Port ku soo dhoweeyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desaleg iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar.
Madaxweyne Farmaajo ayaa...
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Oo Maanta Lagu doortay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa sheegay doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado in ay tahay mid Taariikhi ah oo horumar u ah reer...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta u duulay magaalladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Madaxweynaha ayaa Booqashadiisa waxaa ay tahay mid hal maalin ah, waxaana uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu ugu ambabaxo dalka...
Waxaa goor dhaw soo dhamaatay wareegii labaad doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen ilaa saddex musharax.
Wareega labaad waxaa isugu soo haray musharixiinta kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo musharax Axmed Cali Hiloowle, waxaana ugu danbeyntii xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ku guuleystay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf...
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay magaalladda Kabul ee caasimada dalka Afgaanistan, sida saraakiisha caafimaadka ay sheegeen.
Qaraxa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa.
Wahid Mahrouh, oo ah afhayeenka Wasaaradda caafimaadka dalka Afgaanistan, ayaa sheegay in Afar qof ay dhinteen halka 36 kalana ay dhaawameen.
Ciidamada...
Ex Wasiirki Hawlaha Guud ee Xukuumada rw Khayre oo lagu magacaabi jirey Cabbaas SH/ C/llaahi SIRAAJI ayaa caawa ku geeryoodey Magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Marxuumka ayaan wali la faah faahin arinta Geerida wasiirkii hore ee Hawlaha Guud.
Warar ayaa sheegaya in wasiirka ilaaladiisa iyo kuwa Hanti dhawrka guud Nuur...


















