Koox loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka al-shabaab ayaa ka afduubatay labo macalin dugsi ku yaalla magaalada Gaarisa, kaddib weerar ay ku qaadeen.
Gaar ahaan dugsigan la afduubtay ayaa ku yaalla degaanka Faafi, oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.
Kooxda weerarkan qaaday ayaa ku hubaysnaa qoryo fudud iyo walxaha qarxa, waxayna sidoo kale bur buriyeen xaruntii Isgaarsiinta deegaanka.
Wararka dheeraadka aanu ka helayno magaalada Gaarisa ayaa intaasi raacinaya in goobtii weerarkaasi uu ka dhacay ay soo gaareen ciidamada amniga Kenya, waxayna halkaasi ka billaabeen howlgallo ay ku xaqiijinayaan nabadgalyada.
warsom2011@gmail.com








