Saturday, April 18, 2026
Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnest International ayaa cambaareysay xadhiga weriye Cabdalle Axmed Muumin, kaasoo kow iyo tobankii bishaan lagu xiray magaalada Muqdisho. War-saxafadeed hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay, in Cabdalle Muumin loo xiray isagoo difaacaya xaqa xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyo in uu kor u qaaday walaaca...
Cod uu baahiyay xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa muujinaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo nin uu sheegay in uu ka tirsanyahay millateriga Somaliland ku guubaabinaya in uu jabhadeeyo. Ninka uu xisbigu sheegay in uu Faysal lasoo hadlay oo uu askari yahay, oo guddoomiyaha u sheegay in uu ciidanka ka...
Ururka Alshabaab ayaa soo bandhigay farriin maqal ah oo ka timid afhayeenka guud ee kooxda Alshabaab, Cali Dheere, maalmo kadib markii la sheegay inuu ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan. Alshabaab ayaa sheegay inuu Cali Dheere farriintaan kasoo diray deegaanka Yasooman, halkaas oo ay sheegeen...
Ra’iisal Wasaaraha Somaaliya Xamse Cabdi bare iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga talada Itoobiya haya ee Barwaaqo Aadan Faarax, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo madax...
Wafdi oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Ahmed Macalin Fiqi ayaa tagay magaalada Geneva, halkaasi oo uu uga qeyb galayo shirka sanadlaha ah ee arimaha barakacaayasha Gudaha oo ay soo qabanqaabiyaan Ha’adaha UNka. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Swtzerland kula kulmay magaaalada Zürich, isagoo uga xog-warramay xaaladda...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu taageero waydiistay xiligii uu mucaaradka ahaa, lakiin uu ku wacad furay markii uu guulaystay. Wasiirka Biyaha Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya markii uu ollolaha doorashada ku jiray uu Somaliland ka codsaday taageero, lakiin...
Madaxweynaha Puntland, ayaa ururada siyaasada la gaaray heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan in doorashada la dhaqaajiyo ayna ururada siyaasadu si buuxda uga qeyb galaan doorashooyinka soo socda ee dowladaha hoose. Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday in urur kasta la siinayo lacag toban kun oo dollar ah, si  howlaha u diyaar...
Siyaasi Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee caanka ah, islamarkaana kasoo jeeda gobolka Hiraan ayaa si adag uga hadlay dagaalada ka socda deegaanada gobolka Hiiraan ee u dhaxeeya Beesha Xawaadle oo garab ka heleysa ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab. Siyaasigaan oo horay xilal kala duwan uga...
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay warbixin kasoo saartay xarriga Cabdalle Axmed Muumin oo ah guddoomiyaha mid kamid ah ururada saxaafadda Soomaaliya. Cabdalle Muumin ayaa dhawaan la xiray kadib markii uu saxaafadda ka cambaareeyay, sharci darrana ku tilmaamay go’aan dowladdu ku diiday inay saxaafadda faafiso wararka Alshabaab. Wasaaradda warfaafuinta ayaa...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo wali ka socda deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo aroornimadii hore ee saakay ka bilaawday halkaas, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen deegaankaasi. Dagaalka ka socda Yasooman oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya...