Monday, April 20, 2026
Qaar kamid ah musharraxiintii xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu damacsan yahay muddo kororsi labo sano ah. Musharraxiintan oo ay kamid yihiin Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbarashada Puntland iyo Faarax Cali Shire, wasiirkii maaliyadda Puntland, ayaa sheegay in qorshaha Deni uu yahay...
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in dowladdiisa ay si adag u taageersan tahay qorshaha mideysan ee dowladda Soomaaliya iyo qabaailadu isaga kaashanayaan dagaalka Alshabaab. Safiirka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in dowladiisa ay taageereyso shacabka deegaanada la xoreeyay. Waxa uu dhinaca kale kula dar daarmay qabaa’ilku in...
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafsigiisa ayaa maanta booqday qeybo kamid ah magaalada Bahirdar oo maalmahan uu ku sugnaa Wafdigu. Booqashadan ayaa waxaa Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ku weheliya qaar kamid ah madaxda gobolka Axmaarada iyo qayb kamid ah xubnihii kasoo qayb galay Shirkii Tana Forum ee maalmahan...
Ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay ciidamo uu xisbiga UCID sheegay in ay ka goosteen Ciidanka Millateriga Somaliland. Taliyaha Qaybta Isgaadhsiinta Ciidanka Booliiska Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Faarax Nuur, oo kamid ahaa saraakiil warbaahinta kula hadashay Miiska Saraakiisha ee Hargaysa, ayaa ka digay in la...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee Saakay la wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ka tirsan gobolka sh/dhexe oo ay horay u maamuli jireen Ururka  Al-shabaab. Deegaanada Militariga Soomaaliya ay saakay la wareegeen ayaa kala ah Yaaqle, Mukadheere, dhagaxoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki, kuwaas oo ah dhamaantood...
Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in ay jiraan 4 shirkadood oo wax soo dejisa, kuwaas oo Al-Shabaab u soo gudbiya wax soo dejinta badeecadaha, si ay Al-Shabaab canshuur uga qaataan. “Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ka cabanayaan, ninka ganacsadaha ah inta uusan helin Konteenarka kasoo baxa China...
Waxaa goordhaw soo gabagaboobay Ciyaar xiiso badneyd oo dhexmartay xulalka qaranka dalalka Soomaaliya iyo South Sudan ee da'doodu ka hooseyso 17-sano. Xulka qaranka wadanka Soomaaliya ee da'doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa si rasmi ah ugu guuleystay galabta koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha Afrika ee CEFAFA, kadib markii ay Soomaaliya...
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay inay wax macaamil ah la sameeyaan kooxda Alshabaab, ciddii lagu helana waxay sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadidoono. Wasaaradda ganacsiga waxay sheegtay ganacsadihii ama shirkaddii lagu helo xiriirka Alshabab in lagala laabandoono shatiga.Go’aankan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin dowladdu...
Wararka ka imaanaya deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-shabaab. Deegaanka Xawaadleey ayaa lasoo wariyay in Militariga Soomaaliya ay si nabad ah kula wareegeen kadib markii ay isaga baxeen halkaasi ciidankii Shabaab ee ku...
Shalay waxay ku beegnayd sannad-guuradii shanaad ee ka soo wareegtay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Geeska Afrika, kaasoo ahaa qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe. Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Isgoyska mashquulka badan ee Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan...