Tuesday, April 21, 2026
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay dilal kala duwan uga geystay gudaha magaalada Kismaayo. Labada nin ee dilka toogashada ah Maanta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Wayrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii November 2020-kii...
Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia. Kornayl Yuusuf Cabdi Cali, oo loo yaqaan “Tukeh,” ayaa loo haystaa dil...
Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka saxiixay sharciga caalamiga ah ee ka dhanka ah isticmaalka iyo adeegsiga walxaha qarxa ee meelaha ay dadku ku badan yihiin. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruse ayaa Jimcihii qalinka ku duugay heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dublin ee dalka Ireland. Heshiiskan ayaa wuxuu ilaalin...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab. Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa warbixinno ku saabsan guulaha iyo abaabulka dagaalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, ka dhagaysan doona...
Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysiga Dowladda Masar. Kulanka dhexmaray laba wasiir ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, islamarkaana ay...
Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa mar uu Warbaahinta la hadlayay waxa uu sheegay in dagaalyahannadoodu aysan hubka dhigi doonin ilaa Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaaradu ka baxaan dhulka Tigray. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Eritariya ay xad gudubyo dagaal ka gaysteen gobolka Tigray intii uu socday dagaalkii...
Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay ku masaafurineyso ku dhawaad 500 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ay sheegtay in dalkeeda ay kusoo galeen Baasabooro wadama kale ah. Dhalinyaradaan ayay dowladda Canada sheegtay ineysan ahayn Soomaali, maadaama ay dalkeeda ku galeen Baasaboorka waddamo kale oo ay ku qasban tahay iney dib...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Mabaax oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka oo la sheegay inuu ahaa mid aad u...
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo howlo shaqo u jooga dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Raysal wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Serbia Ivica Dačić iyo xubno kale oo ka tirsan Gollaha Wasiiradda dalkaas oo ay ka mid...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo bangiga adduunka, ayaa sheegay inuu dalku ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana uu hiigsanayo horumar. newsinsiudeXukuumadda raysal wasaare Xamse ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadan  dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga...