Tuesday, April 21, 2026
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso in ay dib u furto Iskuullada ku yaalla degaanadii dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab. Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay waddo qorshe waxbarasho lagu geynayo goobaha ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo...
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo la sheegay iney horay si bareer ah u dileen laba ruux oo shacab ahaa, waxaana horay xukunkaan ugu riday Maxakamada ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland. Labada nin ee toogashada Maanta...
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la joojiyey Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama dalka laga dhoofin karo. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale sheegtay, dhammaaan ruqsadihii iyo shatiyadii horey wasaaradda Shaqadu u bixisey ee la siiyay shirkadaha shaqosiinta...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo kaashanaya ciidamada dib u xureynta deegaanka ayaa saacadahii la soo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaana dhowr ah oo dhaca jiinka Wabiga Shabeelle oo u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Halgan ee gobolka Hiiraan. Deegaanada ciidamada...
Ganacsatada xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay Alshabaab weli ka qaadaan lacago baad ah oo ay ugu yeereen sakaawaad iyo canshuur. Qaar kamid ah ganacsatadan oo la hadlay idaacadda VOA Soomaali, ayaa sheegay in Alshabaab lacagahan uga qaadaan meel aan ka fogayn aqalka madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya iyo...
Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay khasaaraha sii kordhaya ee dadka rayidka ah ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in in ka badan 600 oo rayid ah lagu dilay Soomaaliya sanadkan 2022. Sida uu sheegay madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk, ugu yaraan 613 qof oo rayid ah ayaa la...
Xukuumada Somaliland ayaa markale Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku eedaysay in uu gurigiisa ku haysto ciidan beeleed. Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud Guryaynta iyo Dhulka Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, oo waraysi gaar ah siiyay MMTV, ayaa musharax Cirro ku eedeeyay in uu haysto ciidan aan diwaangashanayn. "Maanta Cirro...
Xukuumada Somaliland ayaa beesha caalamka u sheegtay in doorashooyinku ku dhacayaan wakhtigii guddida doorashooyinku dajisay, iyado xisbiyadana ugu baaqday in ay sharciga raacaan. Warsaxafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa beesha caalamka loogu sheegay in nabadgalyada Somaliland tahay mid shacabku dhaliyeen oo lama taabtaan ah, in...
Degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo deegaano hoostaga maalmahii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba Maleeshiyo beeleed oo walaalo ah ayaa waxaa gaaray Odayaal dhaqameed, Saraakiil ciidan iyo qeybo ka mid bulshada kasoo jeeda deegaanadaasi, kuwaas oo bilaawday wadahadallo lagu doonayo in xal looga gaaro colaad soo...
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya inay qaadato 10-qodob oo ka kooban qorshaha xuquuqda Aadanaha. Amnesty International ayaa u soo bandhigtay dowladda Soomaaliya qorshe ka kooban 10-qodob, kaasoo ay ku qeexayso tallaabooyinka ay tahay inay qaado si loo horumariyo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka Soomaaliya. Amnesty...