Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir mid ka mid ah siyaasiyiin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sabriye oo loo yaqaanay Guuleyste.
Dilka Marxuum Guuleyste ayaa la sheegay iney geysteen rag bastoolado ku hubeysna xili uu Marxuumka ku...
Madaxda TPLF ayaa mar kale ka dhawaajiyay inaysan Ciidamadoodu hubka dhigayn ilaa dammaanad buuxda oo dhinaca ammaankooda ay ka helayaan shacabka gobolka Tigray ee ay iyagu maamulaan.
Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa shir jaraa'id oo maalintii shalay ahayd qabtay waxa uu ku sheegay in shacabka gobolka Tigray ay u baahan...
Muqdisho, Nofeembar 21, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray wareegto ku saabsan waafajenti sharciga Xeerar Madaxweyne oo la soo saaray sanadkii 2020-ka, kuwaas oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tilmaameen in ay khilaafsan yihiin habraaca Dastuurka kmg ah uu tilmaamayo.
MARKUU ARKAY:...
Ciidamada Kenya ee ku hoos shaqeeya howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sii joogi doona Soomaaliya, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Kenya.
Wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyay wargeyska Nation Africa, ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Kenya ay gacan ka geysanayaan...
Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ururka Talo-wadaag, oo guddida diwaangalinta ururadu sheegeen in uu ka hadhay ururada soo baxay uu soo baxay oo uu kamid yahay ururada guulaystay.
Maxkamada oo dhagaysatay dacwad uu ururku ka qabay natiijada ay soo saartay guddida diwaangalinta ururada cusub, ayaa aqbashay dooda...
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay simon Coveney, wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland.
Kulanka ayaa ku saabsanaa iskaashiga ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023 iyo taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay...
Booliska G/Banaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Xuseen Xasan Gaaboow oo lagu eedeeyay inuu faafiyay muuqaalo ku saabsan tacadiyo uu kula kacayo gabdho aan qaangaar ahayn.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen Sakiye Xuseen oo qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter ayaa sheegtay in soo qabashada...
Dowladda Eritrea ayaa si adag u eedeysay dalalka reer Galbeedka inay tashuush iyo marin- habaabin ku fureen xiriirka iskaashi ee dhexmaraya dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea.
Bayaan dheer oo lagu daabacay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Erirea, ayaa lagu sheegay in reer galbeedku faafiyeen sheegashooyin been abuur ah oo aan...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya waxaa degmada Maxaas kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Xildhibaano, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan...
Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa sheegay in anay xukuumada aqoonsanayn ilaa oo ay sharciga kusoo laabato, sida loo dhigay qoraal kasoo baxay xisbiga.
Si lamid ah hadalkii hogaanka xisbigu xukuumada kalsoonida kagala noqday 13 November, xisbiga WADDANI, ayaa markale, sheegay aanu aqoonsanayn xukuumada Somaliland ilaa oo ay sharciga kusoo...

















