Maxkaadda Sare ee Somaliland oo Shaacisay Urur ka Harey Ururnimadiisii Siyaasadeed.

0
349

Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ururka Talo-wadaag, oo guddida diwaangalinta ururadu sheegeen in uu ka hadhay ururada soo baxay uu soo baxay oo uu kamid yahay ururada guulaystay.

Maxkamada oo dhagaysatay dacwad uu ururku ka qabay natiijada ay soo saartay guddida diwaangalinta ururada cusub, ayaa aqbashay  dooda ururka, iyada oo go’aamisay in ururka Talo-wadaag uu kamid yahay ururada u gudbay in ay galaan doorashada ururada iyo xisbiyada.

“Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland markii ay daristay doodii iyo dhammaan cadaymihii ay dhinacyadu u soo gudbiyeen, waxa ay xukuntay in urur-siyaadeedka Talo-wadaag u gudbay tartanka Doorashada Axsaabta Qaranka” ayaa lagu yidhi qoraal maxkamada kasoo baxay.

Qoraalka maxkamada ayaa lagu xusay in dhamaan ururadii ka hadhay tartanka madaxtaabashada ahaa ee ay ururadu galeen, uu ururka Talo-wadaag oo kali ahi uu soo gudbiyay dacwad uu ku Qaadacayo natiijada guddida diwaangalinta.

Hoos ka akhriso qoraalka maxkamada oo faah faahsan:-