Wednesday, April 22, 2026
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi heshiis iskaashi kula saxiixday dhigiisa Taliyaha ciidanka Booliiska dalka Itoobiya Janaraal Damelesh Garbamichel. Taliyeyaasha Booliiska dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay iskaashi dhanka amniga iyo wadashaqeyn la...
Qarax gaarigiisa lala eegtay ayaa lagu dilay taliyihii hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Bakaal Kooke. Gaariga ayaa ku qarxay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Luuq iyo Doolow. Sidoo kalena waxaa qaraxa ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee degmada Luuq. Wararka qaar ayaa sheegaya in...
Shirkadda DP-World iyo maamulka goboleedka Puntland ayaa toddobaadkan magaalada Dubai ku kala saxiixday heshiis ku saabsan ballaarinta iyo tayeynta dekedda magaalo xeebeedka Boosaaso. Mashruucan oo la filayo in la bilaabo horraanta sanadka 2023-ka, ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo 450 mitir oo ballaarin ah oo sanad kaste la...
Wafdi xildhibaano ah oo ka socda baarlamaanka Uganda ayaa booqasho shaqo shan maalmood ah ku jooga Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan doorka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaysa guddoomiyaha guddiga Difaaca iyo arimaha gudaha ee Baarlamaanka, Rosemary Nyakikorongo, waxaa sidoo...
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa ka tacsiyeeyay geerida Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaas oo lagu dilay Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq. “Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka...
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab,kadib wadahadal dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay...
Hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa warbixin cusub oo ay maanta soo saartay waxay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay buuxisay dhammaan sharuudihii looga baahnaa, si looga cafiyo deymaha badan ee lagu leeyahay dalka. Hay’addu waxay warbixinteeda ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay horumar weyn ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha...
Kooxo hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa toogasho ku dilay isku duwahii Wasaarada Caafimaadka degmada Buurhakaba ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xili uu ku sugnaa Isbitaal kuyaala degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Dableyda ayaa toogashada ku dishay Allah u naxariistee isu duwahii wasaaradda Caafimaadka degmada Buurhakaba oo lagu magacaabi jiray Dr...
Warar dheeraad ah ayaa kaasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay aroornimadii hore ku dhexmaray deegaanka Beerxaano ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey iyo kuwa Ururka Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimaha ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Beerxaano oo...
Isku duwaha gargaarka bini'aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka digay wuxuu ugu yeeray xaalad degdeg ah oo masiibo ah oo ka jirta Soomaaliya oo ay sabab u tahay abaaraha soo noqnoqday. Xiriiriyaha ka hadlay kulan ay wada qaateen Qaramada Midoobay iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa wuxuu sheegay in...