Monday, August 31, 2026
Wasaaradda amniga maamulka Hirrshabelle ayaa caddeysay cidkasta oo u hoggaansanta awaamiirta Alshabaab in ay ku xukun yihiin iyaga. Wasaaradda amniga ayaa sheegtay go'aan inuu qeyb ka yahay awaamiir dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab iyo cid kasta oo gacan saar laleh.Go'aanka maamulka Hirshabeelle ayaa kusoo...
Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaaca ka qaaday iney dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta Guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho oo horay loo joojiyay bishi Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2022. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Hoose ee...
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgalo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, ciidanka deegaanka iyo Saaxiibadda Caalamiga ah. Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu si gaar ah uga...
Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen howlgalada ka socda deegaanada maamulka Galmudug ee Al-shabaab looga saaray degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. Ergayga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay furintaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab iuu ka bilaabanayo deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu gabagaba yahay wajigii...
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in wada hadal iyo nabad lagusoo afjaro colaadda ka jirta Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay Koonfur Galbeed inay ku jirto xabsi 5km u jirto, isagoo ula jeeday inay kooxda Shabaab dhinac kasta ka...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si nabad ah ula wareegay degmada qadiimiga ah ee Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay Alshabaab ka xoreeyaan degmooyinka Xarardheere iyo Galcad, isagoo sheegay inay yihiin labo degmo oo aad...
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa Alshabaab ka xoreeyey deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud, sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Galcad ayaa katirsanayd deegaannada Shabaabku muddo dheer ka talin jireen, waxayna jihada koofureed ka xiga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Galcad oo ah deegaan istiraatiiji ah ayaa...
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa goor dhowayd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed. Shirka oo maanta loo ballansanaa inuu billowdo ayaa dib u dhacay safarka madaxweynaha awgiis, waxaana loo ballansan yahay inuu furmo berito. Guddoomiyaha...
Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay dowladda Kenya in ka badan laba jibaar mugga qaadka ee loo dhoofiyo Soomaaliya, taasoo la sheegay inay ballaarinayso fursadaha beeralayda maxalliga ah. Sida ay qorayaan warbaahinta Kenya, dhoofinta ayaa hadda kor u kacday 50 tan oo maalinle ah, halka markii hore ay ahayd 19 tan...