Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Eritariya ay ka baxeen goobo ay kaga sugnaayeen Adwa iyo Aksum oo ka tirsan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya.
Goobjoogayaal ku sugan magaalooyinka Adwa iyo Aksum ee gobolka Tigray, ayaa Warbaahinta u sheegay inay arkayeen Ciidamada Eritariya oo wata gawaadhidooda...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 100 ka tirsan kooxda Alshabaab in saaka lagu dilay markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka xoogga oo ku yaalla Magaalada Galcad.
Sida ay dowladdu sheegtay, dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay kooxda Alshabaab, waxayna sheegtay inay...
Wasiirka arrimaha dibedda iyo qurbo-Joogta ee dalka Yemen Dr. Axmed Cawad Bin Mubarak oo Muqdisho ku sugan ayaa isaga iyo dhigiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac waxay si wadajir ah u dhagax-dhigeen asaaska dhismaha cusub ee Safaarada Yemen ee magaalada Muqdisho.
Dhagax-dhiga waxaa kaloo goobjoog ka ahaa Danjiraha Yemen u jooga...
Dowladda Soomaaliya ayaa degmooyinka Baardheere iyo Dooloow ee Jubaland ku wareejisay 11goobood oo laga dayactiray jiinka webiga Jubba, si looga hortago fatahaadaha dhibka ku hayay beeraleeyda, xoolaleeyda iyo dadka deegaanka.
Gidaarkan oo laga dhisay goobaha jooggooda hooseeyo iyo leexooyinka webiga ayaa dheerar ahaan gaaraya 1,176.2 Mitir oo u qeybsan 11...
- Sida ay sheegayso warbaahinta dowladda Soomaaliya, kooxda Alshabaab ayaa lagu jebiyay weerar ay ku soo qaaddeen degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Waxay warbaahintu sheegaysaa in xaaladda degmada Galcad ay hadda deggan tahay ayna si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya.
Waxaa lasoo sheegayaa khasaaro badan...
Wararka nagasoo gaaraya degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay aroortii ay halkaasi weerareen dagaalamayaasha kooxda Alshabaab.
War ay Alshabaab kusoo qoreen bartooda internetka waxay ku sheegeen inay la wareegeen Galcad, kadib markii weerar qaraxyo ku bilowday kusoo qaadeen saldhigii ciidamada dowladda ee halkaas.
Warar soo baxaya ayaa waxay...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Maxamed Cabdi Jiirow oo loo yaqaano Dr. Fanax oo katirsanaa Alshabaab.
Ninkaan oo Alshabaab u qaabilsanaa amniyaadka, ayaa ahaa dhaqtar been abuur ah, wuxuuna ku shaqeysan jiray inuu yahay dhaqtarka Neerfaha.
Sidoo kale wuxuu haystay darajo ciidan oo...
Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta ka dhacey dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo la sheegay iney kaso talaabeen wabiga Shabeelle ay weerar ku...
Ugu yaraan 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka Kenya meel u dhow soohdinta Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska, iska horimaadka u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay 49 ka tirsan Alshabaab, tiro kalana lagu dhaawacay kaddib dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka, kuwa deegaanka, Ciidanka Nabad Sugidda iyo Saaxiibada Caalamka, ayaa waxaa lagu beegsaday...


















