Monday, August 31, 2026
Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay uu halkaasi ka dhacay qarax Ismiidaamin oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo noociisa lagu sheegay inuu ahaa Noha,...
Somaliland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, uu Somaliland uga hadlo sidii gobol kamid ah Soomaaliya. Qoraal lagu baahiyay boga Twitterka ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in safiirku isaga oo ogsoon in Berbera anay xukumin dowlada Soomaaliya uu hadana xidhiidh...
Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay gaaray wafdi hordhac u ah safar uu halkaasi ku tagayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo lagu wado inuu berito ka furmo Baydhabo. Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen...
Wasiirada Somaliland ee magaalada Laascaanood u jooga xalinta qalalaasihii ka dhacay magaalada, ayaa sheegay in xukuumadu diyaar u tahay in ay wada-hadal ku dhamayso tabashada shacabka. Wasiirada ayaa sheegay in xukuumadu qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool, iyadoo qaadatay bixinta magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale...
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa maanta shir uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha Maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo dhawaan ku dilay degmada Xamarweyne Allah u naxariiste Abuubakar Maxamed Nuuraani oo ka mid ahaa ganasatada yar yar ee degmadaasi. Askarigaan Maanta...
Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in ku xukumnaa oo lagu eedeeyay inuu dad tahriibinayay ayaa shalay kasoo muuqday maxkamad kutaala Greece si uu racfaan uga qaato xukunkii lagu riday, iyadoo kiiskan ay taageereen koox ka tirsan baarlamaanka Yurub oo sheegay in si qaldan loo xukumay. Mohammad Hanad Cabdi ayaa lagu...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddiga diyaarinta wada xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay tallaaban inuu uga golleeyahay, baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalka. Magacaabiddan guddigan ayaa timid kaddib markii dhawaan Puntland ay sheegtay inay si kaligeed ah qaddiyadaha...
Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab ka billaabay degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaas oo la qorshaynayo inay xuddun u noqoto  howlgallada xoraynta Xarardheere iyo Ceelbuur. Kaddib markii dowladdu horey usoo xoraysay gobolka Shabeeladda dhexe iyo qeybo badan oo katirsan gobolka Hiiraan, waxaa la...
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya (MFA), ayaa waxay beenisay wararka sheegaya in la qorsheeyay in xafiiska xidhiidhka Kenya ee Hargeysa loo aqoonsado safaarad. Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Alfred Mutua ayaa caddeeyay warkan, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in Kenya ay safaarad ka samaysanayso Somaliland oo iskeed madax...