Deegaanka Beerxaano ee Gobolka Hiiraan oo Maanta Dagaal Culus ka Dhacey iyo Khasaaraha ka Dhashey.

0
480

Wararka ka imaanaya deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta ka dhacey dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan kooxda Shabaab oo la sheegay iney kaso talaabeen wabiga Shabeelle ay weerar ku qaadeen fariisin deegaanka ay ku lahayeen ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo daryankiisa laga maqlayey meelo ka fog deegaanka Beerxaano oo dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee  ka dhashay dagaalka oo ah mid wali raadkiisu ku danbeeyo deegaanka Beerxaano, hayeeshee waxaa lasoo warinaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray.

Al-shabaab ayaa inta badan kasoo talaabta wabiga Shabeelle marka ay weerarayaan deegaanada ku yaala bariga gobolka Hiiraan oo horay looga saaray.