Wararka ka imaanaya deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen...
Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay liiska warbaahinta Internet-ka iyo baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ee ay dowladdu sheegtay inay hawada ka saartay.
Waa liis ka kooban toban warbaahineed oo website ah iyo hal channel oo telegram ah. inkastoo dowladdu markii hore ay sheegtay inay yihiin 40 warbaahinood.Go’aan ka soo baxay Wasaaradda...
Kooxda Alshabaab ayaa digniin xooggan u dirtay warbaahinta Soomaaliyeed iyadoo uga digtay inay la saftaan dowladda, iyadoo dhanka kale ugu baaqday inay shaqadooda u gutaan waxay ugu yeertay amaano iyo hufnaan.
Bayaan kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu yiri,” Waxaan halkan uga digeynaa dhamaan warbaahinta ka shaqeysa gudaha Soomaaliya inay ka...
Madaxweynayaashii hore Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, ayaa si adag uga horyimid qorshaha madaxweyne Deni ku doonayo inuu doorasho qof iyo cod ah kaga qabto Puntland.
Labada madaxweyne oo ka qeyb galayay dood BBC Soomaali qabatay ayay ku eedeeyeen madaxweyne Deni inuu daba ka riixayo dimuqraadiyad ay ku tilmaameen...
XISBIYADA SIYAASADDA SOOMAALIYA
SomaliPoliticalParties
SUMAD:XSS/01/22 Tr:07/10/2022
Waxaa Maanta Shir Degdeg ah isugu Yimid Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya waxayna kulan ka yeesheen xaalada guud ee u dalku ku jiro maanta,iyadoo kulanka ka soo qeyb galeen Gudoomiyaalka xisbiyada Qaran ee Dalka oo Tiradoodu gaareysay (55) Xisbi,iyadoo Laga Dooday Qodobada Ajendaha:-
(Ajendaha Shirka)
1) Doorka axzaabtu ku...
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehlinayeen madaxweyne ku xigeenka maamulkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha Jabuuti ayaa Maanta kormeeray goobahii ku burburay qaraxyadii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay Baledweyne.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo...
Waxaa saakay oo Jimco ah Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Daa'uud Sheekh Xasan oo la sheegay inuu horay si bareer ah u dilay Taliyahii Ururka 59-aad ee gaadiidka...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo uu wehelinayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kasoo lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaanada laga xoreeyay Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in...
Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumadu soo dhawaynayso muddo kordhinta iyo in doorashooyinka loo qaban doono sida ugu haboon ee ugu dhakhsaha badan.
Qoraalkan oo wasaarada arrimaha dibaddu ku sheegtay in uu kasoo baxay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in...
Golaha wasiiradda Puntland ayaa meel mariyay in 37 degmo oo qeyb ka ah degmooyinka Puntland laga qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaaamka xisbiyada badan.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo dhawaan lasoo magacaabay, ayaa qorshahaan hordhigay shirka golaha wasiirrada ee uu madaxweyne Deni shir guddoominayay.
Doorashooyinkan ayaa noqonaya...


















