Monday, August 10, 2026
Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya ayaa warbixin ay soo saareen waxay dadka u dhashay gobolka Tigray ugu baaqeen inay u soo baxaan safka hore ee dagaalka oo ay qoriga qaataan si ay iskaga difaacaan ciidamada soo duulay ee Itoobiya iyo Eritariya, waa siday hadalka u dhigeen...
Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya oo ku jirta dagaal ka dhanka ah kooxda Alshabab. Xoghayaha arimaha dibada UK, James Cleverly ayaa sheegay inay UK sanadkan bixineyso in ka badan £50m oo gargaar ah si dadka Soomaaliyeed ee aadka ugu baahan ay uga...
Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay taliyaha guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaada, waxaana xilkaasi loo magacaabay Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin. Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka Banaadir Gaashaanle Mahdi Cumar ayaa...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalkaa Uganda ayaa Maanta kulan la qaatay dhigiisa dalkaas Yoweri Kaguta Museveni, iyagoona ka wada hadlay xasiloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Madaxweyne Museveni halganka wadajirka...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan ayaa Maanta gaaray deegaanka Jiciboow oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan oo Shalay dagaalo khasaaro badan geystay ku dhexmareen ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Ujeedada guddoomiye Jeyte iyo Xildhibaanadda...
Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo aad u hubeysan ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, islamarkaana la sheegay iney kusii jeedan furimaha hore ee dagaalka iyo deegaanada ay kaga sugan yihiin Al-shabaab gobolada Sh/dhexe, Galgaduud iyo Mudug. Ciidamadaan oo shalay galinkii dambe ka dhaqaaqay Muqdisho ayaa lasoo warinaya iney gaareen...
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Soomaalida Qurba-joogta ah in ay gacan ka geystaan dadaallada dowladda ay ugu jirto sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab. Wasiirka duulista ee Soomaaliya, Fardawso Cismaan Cigaal, ayaa la kulantay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Montreal, Ottawa iyo Toronto Canada. “Waa inaad ka qayb qaadataan halganka degdega...
Wasiirka amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa sheegay inay Alshabaab jab xooggan kala kulmeen tuulada Jiciboow oo 30km dhinaca waqooyi uga beegan degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan. Wasiirka amniga oo BBC Soomaali la hadlay ayaa sheegay inay Alshabaab qorsheynayeen inay weerar xooggan kusoo qaadaan Buuloburde iyo deegaanno hoos yimaada, si...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray ku baabi’iyay guddiyada golaha adeega garsoorka Soomaaliya iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaas oo ahaa labo guddi oo ay sameysay ama howlgalisay dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa baabi’inta labadan guddi sabab uga dhigay, isagoo tixraacayay qoraal bishii 12-aad...
Hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya ATMIS ayaa furay xarumo wadajir ah oo laga hagidoono Hawl-gallada, si kor loogu qaado isku-dubbaridka iyo qorsheynta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Diomede Ndegeya, ayaa sheegay in xarunta howlgallada wadajirka ah ee loosoo gaabiyo JOCs ay taageerayaan fulinta...