XISBIYADA SIYAASADDA SOOMAALIYA
SomaliPoliticalParties
SUMAD:XSS/01/22 Tr:07/10/2022
Waxaa Maanta Shir Degdeg ah isugu Yimid Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya waxayna kulan ka yeesheen xaalada guud ee u dalku ku jiro maanta,iyadoo kulanka ka soo qeyb galeen Gudoomiyaalka xisbiyada Qaran ee Dalka oo Tiradoodu gaareysay (55) Xisbi,iyadoo Laga Dooday Qodobada Ajendaha:-
(Ajendaha Shirka)
1) Doorka axzaabtu ku yeelan karaan dagaalada iyo abaaraha dalka ka jira
2) Abuurista Gudiyo Xisbiyada dhexdooda oo ka shaqeyn doona wacyigelinta bulshada iyo dhaqaale u arurin looga qeyb qaato Abaaraha iyo Dagaalka dalku galay
3) In la doorto afhayeen ku hadla afka axzaabta oo warbaahinta la wadaaga howlaha u qabsooma gudiyada lagama Maarmaan ah Insha Allah.
Sidaasi daraadeed madaxda kulanka isugu timid waxay isla garteen,In la dhiso Gudiyada hoos ku Qran,mid kastana Looga Fadhiyo Shirkan midka Xiga Qorshe Hawleedkooda Si howsha loo Dardargeliyo.
- C/laahi Maxamed Aadan Salaamullah
Gudoomiyaha Gudiga Wacyigelinta iyo Arimaha Bulshada iyo in sidoo kale gudiga wacyigalinta bulshada uu soo diyaariyo barnaamijyo joogto ah oo lagu wacyigalinayo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala Duwan.
- Mohamed Bille Musse
Gudoomiyaha Gudiga Maaliyadda iyo Dhaqaale Uruurinta iyadoo la isku raacay in dhamaan xisbiyada aay garab istaagaan taakuleeynta ciidanka Qaranka qeybna ka noqdaan qaaraanka lagu garab istaagayo dadka Soomaaliyeed ee la daaladhacaaya abaaraha ku habsaday qeybo badan oo ka tirsan dalkeena, gudiga maaliyada ayaa soo gudbin doono cadadka xisbi walba uu uga qeyb qadan doono taakuleeynta.
C/raxmaan Suleymaan Jaamac
Xogahaya Xiriirka Xisbiyada iyo Dowlada FS.
- Cali Maxamed Nuux (TimaJilic)
Afhayeenka Axzaabta Siyaasadda ahna Xiriiriyaha guud ee Axzaabta.
Abdirahman Hussein Adow
Gudoomiyaha gudiga xiriirka dibadda.
Ugu dambeyn kulanka waxaa lagu goaamiyey in uu si degdeg ah u qabsoomo kulan weyn oo ay isugu iman doonaan xisbiyada Maanta Shirey iyo Kuwo kale.
DHAMAAD.