Dagaalka Ka Dhanka ah Al-shabaab oo Dawladda Soomaaliya iyo Axzaabta Siyaasadu Qurbajoogta ka Dalbadeen in ay kusoo biiraan.

0
940

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Soomaalida Qurba-joogta ah in ay gacan ka geystaan dadaallada dowladda ay ugu jirto sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Wasiirka duulista ee Soomaaliya, Fardawso Cismaan Cigaal, ayaa la kulantay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Montreal, Ottawa iyo Toronto Canada.

“Waa inaad ka qayb qaadataan halganka degdega ah ee socda ee dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayay tiri wasiirka duulista Soomaaliya.

Wasiirka waxay bulshada kula dardaarmay inay sidoo kale gacan ka geystaan dadaallada ay dowladdu ku caawinayso dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo isbedelka cimilada.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Axzaabta Siyaasadda Cali Maxamed Nuux Timajilic oo warbaahinta La Hadlayey ayaa Sheegay in ay Xisbiyadu Go’aansadeen in ay ka Qeyb Qaataan Dagaalka iyo Abaaraha Dalka ka Jira oo ay Qurbajoogta Soomaaliyeed Hormuud ka Noqdaan Meel walba oo ay joogaan isagoo sheegay in ay Gudi Qurbajoogta u Xilsaaran Xisbiyadu Sameyn Doonaan iyadoo Baro Cayiman Loo Sameynayo.