Shirkadda shidaal baarista ee Coastline Exploration ayaa ugu deeqday $1.4m oo cunto ah 6,000 oo qoys oo ku nool guud ahaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan gurmadka macaluusha abaaraha.
Coastline Exploration oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay u saxiixday heshiis sahmin shidaal baaris ah waxay sheegtay in deeqdani ay caawinayso...
Guddida Arrimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wasiirka arrimaha guddaha ku eedaysay in uu ka dhaga adaygay codsiyo ay guddidu kulan kaga dalbatay.
Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ah guddoomiyaha guddida, ayaa wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ku eedeeyay in uu si cad iskaga dhaga tiray dalabka guddida.
"Waxay ahayd ballantu...
Ururka Al-Shabaab ayaa burburiyay dhismayaal isgaarsiineed iyo ceelal riig ah oo ku yaallay magaalada Qaayib ee gobolka Galguduud.
Alshabaab ayaa burburintan sameeyay maalin ka hor inta aysan ka bixin magaalada Qaayib, halkaas oo ay ciidamada xoogga dalka ay la wareegeen gacan ku heynteeda.
Sawirro lagasoo qaaday ayaa muujinaya burburka baaxada leh...
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta warbixinta buuxda kasoo saartay dagaaladdii ka socday gobolka Shabeeladda dhexe, waxayna sheegtay in ciidamada qalabka iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya saaxiibada caalmiga ah ay laayeen horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab.
Dowladdu waxay sheegtay in howgalladan lagu burburiyay gaadiid Alshabaab u siday saanad...
Ergo ka kala socda Dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa maanta iska xaadiriyay dalka Koonfur Afrika, si ay uga qayb galaan kulanka xalka loogu raadinayo ee labada dhinac ku dhex maraya Koonfur Afrika.
Wada xaajoodkan oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika ayaa waxaa shirkan hoggaaminaya hoggaanka sare ee Midowga...
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay garab taagan tahay shacabka & dowladda Soomaaliya, iyadoo cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.
Maraykanku wuxuu sheegay taageeradiisa Soomaaliya inay sii socondoonto islamarkaana aysan wax u dhimidoonin rabshadaha xagjirka ah ee Alshabaab.
Shalay ayay ahayd markii Alshabaab ay weerareen hotel kuyaala...
Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah waxay ku fulisay labo nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo dil ka geysan jiray magaalada Muqdisho.
Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Cumar ayay ciidamada gacanta kusoo dhigeen sannadkii 2019, kadib iyagoo isku dayayay inay dilaan haweeney Qaadka ka ganacsan jirnay.
Labadan nin oo...
Wararka imaanaya xaduuda ay wadaagaan dalalka Congo iyo Rwanda ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay laba Muwaadin oo Soomaali ah, islamarkaana laga gubay gaari nooca Xamuulka qaada oo ay wateen labada Muwaadin.
Labadaan muwaadin ee la dilay, lana gubay gaariga ay wateen ee Xamuulka ahaa ayaa la sheegay iney ka...
Inta la ogyahay 1 qof ayaa dhintay 2 kalena way dhaawacmeen, kadib markii dablay aan haybtooda la aqoonsani ay rasaas huwiyeen dad shacab ah oo ku cawaynayay maqaaxi ku taala degmada Dararwayne ee gobolka Sanaag ee Somaliland.
Lama garanayo sababta keentay in dad maqaaxi ku cawaynaya, rasaas lagu furo iyo...
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Maanta magacaawday guddi ka shaqeynaya dib u howl galinta Shirkaddii diyaaradda Somali Airlines.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa lagu magacaabay guddigaan oo ka kooban 7 xubnood oo Guddoomiye looga dhigay Cali Gacal...


















