Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulankii ugu horreeyay la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga ee dalka iyo gurmadka loogu jiro xal u...
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qiimaynaya codsi uga yimid Soomaaliya oo ah in Maraykanku uu dabciyo xannibaadaha uu saarayo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Codsigan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku jirto duulaan ka dhan ah Al Shabaab, duullaankaas oo Alshabaab looga saaray deegaanno...
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ku dartay liiska argagixisada Caalamiga ah shan ka mid hoggaamiyeyaasha ugu qatarta badan Al-shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay iney garab taagan tahay dadaalada dalalka Bariga Afrika iyo Midowga...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale ku celiyay in doorashada urruradu ay kasoo horaynayso doorashada madaxtooyada, xili qaybo kamid ah bulshada Somaliland diidmo ka muujiyeen.
Madaxweynaha oo shirguddoomiyay shirkii Golaha Wasiirada Somaliland oo lagu ansixinayay miisaaniyad sannadeedka 2023, ayaa sheegay in doorashada urruradu kasoo horaynayso ta madaxtooyada.
"Shirka furitaankiisa...
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka qeyb galay shirkan.
Ololaha milatari iyo kacdoonka dadweynaha ee ka...
Mid kamid ah beelaha daga Hargaysa, Burco iyo Ceerigaabo, ayaa shir ay Burco ku yeelatay, madaxweynaha Somaliland ku eedeysay in uu sharciga ku xadgudbay, waxayna soo saartay go'aamo taabanaya doorashooyinka.
Afhayeen go'aamada beesha warbaahinta u akhriyay, ayaa sheegay in beeshu ay go'aan ku gaadhay in la helo heshiis ay u...
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka Milliteriga ah ee ka dhaxeeya labada dal, xilli ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
War ka soo baxay difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha militariga Saraakiisha...
Madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka madasha wadatashiga qaran.
Shirkaan oo daba socda shirkii bishii september ay yeesheen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa looga arrinsanayaa arrimaha hortebinta u leh dowlad dhiska, iyo...
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labo nin oo katirsan ururka Daacish.
Aadan Cali Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax, ayaa dhowr bilood ka hor lagu riday xukunno dil ah kadib markii lagu helay inay falal dil ah ka geysteen magaalooyinka Boosaaso iyo Muqdisho.
Labadan nin ayaa...
Isu Soo Baxyo looga Soo horjeedo Dilka Xildhibaanad Juweeriya Subcis oo Ka Dhacey Magaalada Jigjiga.
Banaanbaxyo waawayn oo looga soo horjeedo dilka xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa maanta ka dhacay magaalada Jigjiga, gaar ahaan xaafadda ay deggnayd xildhibaannada geeriyootay.
Dadka banaanbaxa samaynayay ayaa ka careysnaa dilka badheedhka ah ee loogaystay Xildhibaanad Juweeriya Subcis, dadku waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid ahaayeen " Juweeriya...


















