Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka dhacay laba qarax oo aad u waaweyn oo daqiiqado kooban ay u dhaxeeyeen, kuwaas oo lasoo sheegayo in lagu weeraray xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ee ku taala laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa kuwa aad u culus ayaa juggooda laga maqlay...
Shirka wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, kaasoo Muqdisho ka socday muddo shan cishe ah ayaa lagasoo saaray fadwo lagu taageerayo kacdoonka looga soo horjeedo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.
Qodobka ugu horreeya ee fadwadan ayaa ku baaqay in lala dagaalamo Alshabaab iyo Daacish, islamarkaana waxaa...
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya. Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay wadamada Carabta in ay Soomaaliya ka dhaafaan deymaha lagu leeyahay, isagoona carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin dhowr ah oo gaaray heerkii masiibo, gaar ahaan abaaraha iyo cunno yarida. iyo sidoo kale dagaalka ay hadda wadaan...
Xaalad kala qeybsanaaneed ayaa soo wajahday ururka Al Shabaab, gaar ahaan hogaamiyaha Ururkaasi Axmed Diiriye Cali. (Abuu Cubeyda), iyo garabka uu hogaamiyo Mahad Karatee, madaxa amniyaatka oo ah hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka ururka Alshabaaab
Warbixin lagu daabacay bogga akhbaralaan ayaa lagu sheegay, in Mahad Karatee uu marba marka ka...
Wafdi isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa goordhaw oo Maanta ah gaaray degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Xubnaha wafdiga ee gaaray degmada Buulaburte waxaa ka mid ah Wasiiradda arrimaha gudaha, Qorshaynta, Wasiiru dawlaha Gaashaandhiga, wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle, Xildhibaano iyo saraakiil...
Waxaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad gonoleedyada dalka, kaasoo looga hadlaayay qodobo ay ugu muhiimsanayeen Amniga iyo Abaaraha.
Shirka Golaha wadatashiga ayaa Muqdisho ka bilawday 27-kii bishaan October 2022 ka,...
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacan ku dhigeen eedeysanayaal loo haysto inay ka dambeeyeen dil degmada Kaaraan loogu geystay gabar yar oo 7 jir ahayd.
Booliiska ayaa sheegay in gabadha yar muddo lagula kacayay xad gudubyo jir dil ah, iyagoo sheegay inay ka shaqeynaysay guriga eedeysanayaasha.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, gaashaanle Saddiiq...
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa khudbad ka jeediyay Fadhiga 31-aad ee golaha wasiirada maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.
Wasiirka maaliyadda ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.
Sidoo kale...
Xanuunka Jadeecada oo Laga Digayo in uu ka Dillaaco Meelo Kamid ah Dalalka Africa iyo xeryo Qaxooti.
Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa soo saartay warbixin ay kaga digayso halista cudurada jadeecada iyo daacuun caloolaha ee ka dilaaca xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ay Soomaalidu degan tahay.
MSF waxa ay tilmaantay in daryeel xumida iyo ka warqab la’aanta dadka ay keeni karto in cudurka uu...
Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa faray wasiirka maaliyadda in 20% laga jaro mushaarka golaha wasiiradda Soomaaliya muddo 3 bilood ah si loogu isticmaalo dagaalka socda ee lagula jiro Al-Shabaab.
Qoraal kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ee joogtada ah iyo kuwa...


















