Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa khudbad ka jeediyay Fadhiga 31-aad ee golaha wasiirada maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.
Wasiirka maaliyadda ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.
Sidoo kale shirka waxaa goob Joog ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Algeria Cabdulwahaab Mocalim Maxamed iyo safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Ilyaas Sheikh Cumar.
Shirkaan ayaa lagu dhisidoonaa hoggaanka wasiiradda maaliyadda ee dowladdaha jaamacadda Carabta. Soomaaliya ayaa xubin muhiim ka ah golahan.












