Monday, August 10, 2026
4 qof oo Kenyan ah oo ay ku jiraan labo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawal iyo qof bukaan ah ayaa talaadadii lasoo dhaafay la sheegay inay AlShabaab ka afduubteen deegaanka Ceel-waaq ee u dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya Sida laga soo xigtay booliska wddanka Kenya, labo maalin kaddib ayaa...
Sirdoonadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis labada dhinac ay isaga kaashanayaan la dagaalanka Kooxaha argagixisada ah. Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka sirdoonka dowladda Itoobiya Sisay Tola ayaa isla meel dhigay is dhaafsiga xogaha iyo la dagaalanka...
Guddiga joogtada ee barlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shirkoodii caadiga ahaa uga furmay magaalada Garowe ee Puntland. Guddoomiyaha barlamaanka, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoominaya ayaa sheegay inay ku faraxsansan yihiin in markii ugu horreysay meel ka baxsan caasimadda uu barlamaanka Soomaaliya ku qabsanayo kulamadoodii joogtada ahaa. “Xarunteennii...
Wadamada Ruushka iyo Turkiga ayaa heshiis ku gaaray in si lacag la’aan ah loo gaarsiiyo raashin Haruur ah dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. “Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxa uu ii sheegay intii aan ku wada hadalnay taleefoonka in...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo barqanimadii Maanta ku dhexmaray deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan dagaalamayaal ka tirsan  Al-shabaab iyo ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahanada ciidanka dib u xureynta deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka Al-shabaab...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Somaliland aad uga xunyihiin, qarixii dhawaan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay in qaraxa dad shicib ah oo masaakiin ah lagu laayey, isla markaana ay tahay arrin argagax iyo naxdin leh, qof walba oo bini'aadam...
Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ugu tunka wayn ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xukuumada usoo jeediyay in ay xal siyaasi ah keento 13 November kahor. Musharaxa oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo xisbiga katirsan, oo kumanaan taageerayaashiisa ah kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay...
Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa lagu toogtay goob bannaanbax maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xisbigiisa, kaasi oo sheegay in dhacdadaasi ay ahayd isku day dil. Xabbad ayaa Imran Khan kaga dhacday cagtiisa ka dib markii nin hubaysan oo aan la aqoonsan uu...
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay xorreeyeen deegaanada Xawaar Xuseen iyo Qurac dheere,  oo wax ka yar 20km u jira degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeeladda dhexe. Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Gen. Cabdullaahi Caanood ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in deegannadan ay ahaayeen...
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa joojisay qaadashada warqadda caddeynta baaritaan Caabuqa COVID-19, taasoo laga qaadi jiray cid kasta oo ka dhoofaysa garoomada diyaaradaha Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadka usoo safraya Soomaaliya aan looga baahnayn in ay la yimaadaan warqadda caddeynta baaritaanka caabuqa COVID-19 (PCR...