Tuesday, August 11, 2026
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday lacag dheeri ah oo lagu taageerayo howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyadoo ay jirto aragtiyo kala duwan oo laga qabo xaaladda abaarta ee Soomaaliya ka jirta. Madaxa USAID, Samantha Power ayaa ku dhawaaqday in dowladda Mareykanka ay ku deeqeyso $411 oo dheeri ah si loo...
Ergayga gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in laga hortagay macluul dalka ka dillaacda, kaddib iskaashi looga hortagayo saamaynta abaaraha oo uu sheegay inay sameeyeen dowladda Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha caalamka. Ergayga ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Washinton DC ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay xoghayeyaasha wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kala hadlay Xoghaye Antony Blinken, iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin, xaaladda Soomaaliya ee sida dagaalka Al-Shabaab iyo abaaraha. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil...
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilka nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore, kaasoo bishii June ee sanadkan lagu dilay magaalada Gaalkacyo. Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan (Goobe) iyo Salaad Maxamed Cabdi ayaa xukunkaan lagu riday, kaddib markii ay qirteen inay iyagu...
Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhaxe oo dhawaan laga saaray kooxda Al-shabaab. Wafdiga Raysal wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyaha maamulka...
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Saakay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Baay. Deegaanada ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 60-aad ayaa kala ah Daynuunaay iyo Moodo moodo oo kala hoostaga magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakada...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kaga dhawaaqay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool dagaal ka dhan ah Ururka Al-shabaab. Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka Shabaab, isagoo ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah oo heerkeedu sareeyo oo loogu sameeyay degmada...
Bilayska dalka Kenya ayaa baaritaan ku haya nin ajnebi ah oo looga shakisan yahay inuu qorsheynayay inuu u safro Soomaaliya, si uu ugu biiro ururka Alshabaab. Warbixin uu sii daayay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in Ilyaas Cabdulxamiid oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Canada uu kusii jeeday dhanka Soomaaliya...
Guddi Midowga Afrika (AUPRC) u qaabilsan Qaxootiga, iyo Barakacayaasha (IDPs) oo uu hoggaaminayo Danjire Adenkule J.M. King ayaa soo gebagebeeyey qiimeyn 5 maalmood ah oo ay ka wadeen Soomaaliya, iyagoo ballan-qaaday in Midowga Afrika uu sare u qaadi doono wax ka qabashada xaaladda bini'aadantinimo ee dalka. Guddigan ayaa wada-hadallo la...
Midowga Yurub ayaa muddo kordhin hor leh u sameeyay hawlgallada militari ee ay ka wadaan badda Soomaaliya iyo geeska afrika si ay u fuliyaan siyaasaddooda amniga iyo Difaaca. Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ciiddanka badda ee Atlanta  oo ka mid ah hawlgalladda milliteri ee EU-da, uu...