Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha M/weyne Xasan Sheekh C/raxmaan C/shakuur oo Sheegay in Lagu Guuleystey ka Hortaga Abaar Dillaacda.

0
788
Ergayga gaarka ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in laga hortagay macluul dalka ka dillaacda, kaddib iskaashi looga hortagayo saamaynta abaaraha oo uu sheegay inay sameeyeen dowladda Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha caalamka.
Ergayga ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku xoojiyaan dadaalada wax looga qabanayo aafooyinka ka dhashay abaaraha iyo isbeddelka cimilada. Wuxuu sheegay Soomaaliya inay qarka u fuushay macluul.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay dalka inay ku dhufatay abaartii xumayd 40 sano kadib, Wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si aad ah isugu howshay in laga hortago in saamaynta ka dhalatay abaaraha ay gaarto heer macluul ah.

Wuxuu sheegay dowladdu inay gurmadka gaarsiisay deegaannada abaaruhu aadka u saameeyeen, si loo yareeyo culayska abaarta.