Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddiga diyaarinta wada xaajoodka arrimaha federaaleynta dalka.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay tallaaban inuu uga golleeyahay, baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalka.
Magacaabiddan guddigan ayaa timid kaddib markii dhawaan Puntland ay sheegtay inay si kaligeed ah qaddiyadaha...
Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab ka billaabay degmada Wisil ee gobolka Mudug, halkaas oo la qorshaynayo inay xuddun u noqoto howlgallada xoraynta Xarardheere iyo Ceelbuur.
Kaddib markii dowladdu horey usoo xoraysay gobolka Shabeeladda dhexe iyo qeybo badan oo katirsan gobolka Hiiraan, waxaa la...
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya (MFA), ayaa waxay beenisay wararka sheegaya in la qorsheeyay in xafiiska xidhiidhka Kenya ee Hargeysa loo aqoonsado safaarad.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Alfred Mutua ayaa caddeeyay warkan, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in Kenya ay safaarad ka samaysanayso Somaliland oo iskeed madax...
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya ay ku dhawaadeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo aheyd Saldhiga ugu weyna kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanada gobolka Mudug.
Ka bixitaanka Al-shabaab ee degmada Xarardheere ayaa timid, kadib markii ciidamada dowladda...
Maraykanka ayaa shaaciyay in dhoolatus millateri oo uu gadhwadeen ka yahay lagu qaban doono magaalada Berbera bisha labaad ee sannadkan.
War-saxaafadeed kasoo baxday dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanka iyo ciidamo ka socda waddamo kale oo Geeska Afrika dhaca, ay dhoolatus millateri ku samayn doonaan magaalada Berbera ee...
Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaaaadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in degmooyinka gobolka Banaadir ay ka bilaaban doonaan howlgalo lagu baarayo guryaha oo lagu raadinaayo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku dhex dhuumanaya magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay...
Xildhibaannada gobolada bariga Somaliland, ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan wax ka qabashada qalalasaha Laascaanood, isla markaana waxay kasoo horjeesteen baaqii qaar kamid ah odayaashu dhawaan soo saareen.
Xildhibaannadan oo isugu jira kuwa golaha wakiilada ee gobolada Sool iyo Buuhoodle iyo xildhibaannada golayaasha deegaanka ee degmadmooyinka Laascaanood,Taleex, Xudun iyo Buuhoodle...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dib xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab oo haatan ka socdo deegaanada Tabantaab iyo Maxamed Xasan oo qiyaas ahaan dhinaca Koonfureed ee magaalada Baledweyne uga beegan 25 KM.
Dagaalka ayaa bilawday kadib markii ciidamada db u xureynta deegaanka ay...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay banaanbax lagu taageerayay guulaha dowladda Soomaaliya iyo dadka shacabka ay ka gaareen howgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in dowladiisa aysan marnaba aqbali doonin in qof Soomaali ah si macna dara ah loo dilo.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay...
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney ku bixineyso xogta iyo madaxa Maxamuud Cabdi Aadan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab lacag dhan $10 Milyan oo doolar.
Maxamuud Cabdi Aadan ayaa ku eedeysan inuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Hotel Dusit D2 oo ku yaala...


















