Monday, August 10, 2026
Dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ku dhawaad labo todobaad ka hor ay ciidamada Mareykanka ku dileen buuralayda gobolka Bari ee Puntland, ayaa tooshka ku ifiyay shabakad maaliyadeed oo ka jirta Geeska Afrika sida uu sheegay sirdoonka Maraykanka. Xoghayaha difaaca Lloyd Austin ayaa sheegay in Bilaal Suudaani...
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo labo sano ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF, kulankan waxaa ku wehelinayay masuuliyiin sare oo kamid ah xukuumadda Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed. Sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed iyo madaxda...
Xisbiga Jamhuuriga ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee golaha Koongareeska Maraykanka, taasoo muujineysa xiisadda ka dhex aloosan Dimquraadiga iyo Jamhuuriga. Xildhibaanada ayaa waxay u codeeyeen in Ilhaan Cumar laga saaro guddiga arrimaha dibadda ee aqalka hoose sababo la xiriira hadallo hore oo ay ka bixisay...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed. Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo muddo 11 maalmood gudahood ah ayaa lagu sheegay inuu ku saabsan yahay...
Dowladda Kenya ayaa waxay qorsheynaysaa inay ka qayb-geliso ciidamada kaydka ah ee booliiska deegaannada ay Alshabaab ku badan yihiin ee waqooyiga Kenya si loo billaabo howlgallo cusub. Qorshahaan waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha gudaha Kithure Kindiki, isagoo socdaal dhanka amniga ah ku marayay degmada Mandheera ee waqooyi Bari. Prof Kindiki ayaa...
Raysal wasaarayaal hore, guddoomiyayaal barlamaan oo hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa dowladda federalka ugu baaqay in ay caddeyso mowqifkeeda ku saabsan qaddiyada shacabka SSC. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay mabda’ ahaan u difaacdo xorriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta aaminsan...
Cabdullaahi Xadeed Cali Mire oo katirsanaa ururka Daacish ayaa iskusoo dhiibay ciidamada amniga Puntland. Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka PSF ayaa lagu sheegay inuu ninkan tagay degaanka Balidhidhin ee gobolka Bari, wuxuuna sheegay inuu kasoo goostay kooxda Daacish. PSF ayaa ugu baaqday cid kasta oo katirsan ururada Daacish iyo Alshabaab inay...
Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay qiimeyntii ugu dambeysay ee ay soo saartay hay'adda Transparency International (TI). Marka loo eego qiimeynta musuq-maasuqa ee 2022 (CPI), Soomaaliya ayaa ah dalka ugu musuq-maasuqa badan, waxaana kaalinta labaad ku jira dalalka Koonfurta Suudaan iyo Suuriya. CPI...
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu anay ogolaaynayn in nabadgalyada Laascaanood ay khal-khal gasho. Wasiirka oo ka hadlayay munaasinada xuska 29 guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidamada millateriga oo lagu qabtay Laascaanood, ayaa sheegay in anay ogolaanayn cidkasta oo iskudayda in ay dhibaatayso shacabka magaalada. "Waajibaadka qaran...
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ee ku sugan Xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Madaxweyne Qoorqoor ayaa la sheegay inuu kala hadlay saraakiisha Ameerikaanka ah howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab, islamarkaana uu ka codsaday...