Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horraysay waxay sheegtay inay soo dhowaynayso rabitaanka iyo go’aanada kasoo baxay dadka reer Laascaanood.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato xallinta qalaalasaha ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wasaaradda arrimaha gudaha...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn tacsi u diray ehalada dadkooda ay dhibaatada kasoo gaartay dagaalka ka socda Laascaanood, isagoona adkeeyay muhiimada ah in la tixgaliyo...
Isimadii Laascaanood shirku uga socday ayaa dowlada Soomaaliya ku bogaadiyay taageerada ay u muujisay qodobadii shirkooda kasoo baxay.
Garaad afka isimada ku hadlay, ayaa dowlada Soomaaliya uga mahadceliyay taageerada ay u muujisay qodobadii kasoo baxay shirka garaadada ee Laascaanood.
"Aad aad ayaanu ugu faraxsanahay in ay dowladu soo dhawaysay go'aamadii kasoo...
Waxaa la baajiyay oo dib loo dhigay isdiiwaan galinta doorashada qof iyo cod oo la filayay inay maanta ka billaabato magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in loo baajiyay iyadoo aan weli wax xal ah laga gaarin qulqulatooyin looga soo horjeedo doorashada oo ay Garowe ka...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad kooban oo xalay degmada Heliwaa ku dhexmaray ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo rag hubeysan oo la sheegay iney ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab.
Iska hor imaadka ayaa dhacay kadib markii ragga hubysan oo ahaa sadax ruux ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ciidanka...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo isku dhafan oo meelo kala duwan ka yimid ay soo weerareen saldhigyada ciidamada Somaliland ee Laascaanood.
War-saxaafadeed kasoo baxday wasaarada arrimaha gudaha, ayaa lagu sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay iskugu jiraan argagixiso, ciidamo ka yimid Puntland, iyo ciidamo la baxay Khaatumo.
"Kooxahan argagixisada...
Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dadka shacabka ah, marka laga tago dhinacyada dagaaalamaya.
Khasaaraha ugu weyn ee warbaahintu ay tebinayso ayaa ah, geerida 7 carruur ah iyo hooyadood oo iyaga oo...
Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay gobolka koonfureed ee Kahramanmaraş, kaas oo galaaftay nolosha ugu yaraan 1912 qof, waxaana ku dhaawacmay 5,385 kale.
Dhulgariirkan oo lagu qiyaasay 7.7 ayaa ku dhuftay meel 7 kilomitir (4.3 mayl) ka hoosaysa oogada sare ee degmada Kahramanmaraş ee Pazarcık, lixdii...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo tikniko wata ay ciidamada Somaliland weerareen, lakiin ay ciidamadu kaliya is difaaceen, xeryahoodiina anay ka bixin.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, oo Laascaanood ku sugan, ayaa yidhi "Ciidan hubaysan oo tikniko wata, oo hoobiyayaal wata, oo baasuukayaal waata ayaa weeraray qaar kamid ah...
Madaxweynaha dalka Ciraaq Laif Rashiid ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Iraq.
Casuumadan ayaa waxaa soo gaarsiiyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Baqdaad Liibaan Sheekh Maxamuud oo uu qaabilay Madaxweynaha Ciraaq, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada...


















