Afti ku Aadan in Ruushku Ciidankiisa Kala Baxo Ukraine oo Qaramada Midoobey Qaadey Soomaaliyana “Haa” Ku Codeysay.

0
639

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa codkeeda ka dhiibatay afti laga qaadayay dalalka xubnaha ka ah Golaha Qaramada oo ku aadaneyd in dowladda Ruushka ciidamadeeda kala baxdo dalka Ukraine.

Qaraarkaan ayaa dalalka xubnaha ka ah Golaha Qaramada Midoobay ayaa waxay ku kala codeynayeen Haa iyo Maya si loo ansixiyo, halka kuwa qaarna ay ka aamuseen.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay iney codkeeda ku biirisay 30 dal oo ka mid ah dalalka Afrika oo qaraarkaan Qaramada Midoobay ugu codeeyay “Haa” taasoo ka dhigan in Soomaaliya ay taageertay qorshaha ku aadan in dalka Ruushka uu kala baxo ciidamadiisa wadanka Ukraine oo ay Maanta u buuxsantay muddo hal sano ah.

Codeynta qaraarkaan waxaa isaga aamusay 15 wadan oo ka mid ah dalalka Afrika, iyadoo wadamada Eritrea iyo Mali oo keliya ay si toos ah uga soo horjeesteen qaraarka oo ku saleysan in Ruushka lagu khasbo ka bixitaanka Ukraine, kuwaas oo ku codeeyay “Maya”