Mareykanka ayaa muddo saddex bilood ah aan fulin duqeyn ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaa Puntland, iyadoo duqeyntii ugu dambeysay ay dhacday 6-dii May 2026, xilligaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda oo ku sugnaa buuraha Calmiskaad.
Xog ay soo bandhigtay New America, oo...
Xukuumadda Somaliland ayaa dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Turkiga ku eedaysay inay qayb ka yihiin faragelin dibadeed oo ay sheegtay in lagu hurinayay colaaddii muddada ku dhow sannadka ka taagnayd qaar ka mid ah deegaannada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in...
Haweenay dhowaan ku umushay Isbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa meydkeeda laga helay gudaha isbitaalka kadib markii ay isdaldashay, iyadoo laamaha amnigu ay bilaabeen baadhitaan ku saabsan dhacdada.
Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf, ayaa isbitaalka timid toddobaad ka hor iyadoo uur leh, iyada oo halkaasi ku umushay, sida...
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo in ka badan 40 kun oo arday ay ku guuleysteen imtixaanka.
Natiijada ay Wasaaraddu shaacisay ayaa muujinaysa in imtixaanka ay u fariisteen 42,916 arday, kuwaas oo 40,037 arday...
Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray khilaafka Ciidamada Danab ee ku sugan xerada Ligle ee duleedka magaalada Garoowe, kuwaas oo hore uga tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa ka dhashay kulan xalay ka dhacay Garoowe, kaas oo dhexmaray Guddi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo General...
Uganda ayaa sheegtay inay ciidamadeeda ku sii hayn doonto Soomaaliya, xitaa haddii uu isbeddel ku yimaado howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo Kampala tilmaamtay in joogitaankeeda Soomaaliya uu sii socon doono iyadoo loo marayo heshiis laba geesood ah oo ay la leedahay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...
Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate), ayaa maanta oo Khamiis ah, 13 Agoosto 2026, ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed ayaa warqad uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku sheegay inuu si rasmi ah uga...
Puntland ayaa maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ku eedeysay sida uu ula dhaqmo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, iyadoo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, uu sheegay in maxaabiista loo hayo dano siyaasadeed iyo dhaqaale.
Wasiir Caydiid ayaa sheegay in maxaabiista laga helo dhaqaale, isagoo ku eedeeyay...
Golaha Siyaasiyiinta Puntland ayaa sheegay in hannaan kasta oo hub-ka-dhigis ah uu u baahan yahay heshiis bulsho, wadatashi loo dhan yahay iyo mabaadi’ cad oo hagaya, si loo xaqiijiyo caddaalad, sinaan iyo kalsoonida shacabka, loogana fogaado in hub-ka-dhigistu noqoto sabab dhalisa colaad sokeeye.
Golahan ayaa war-saxafadeed uu soo saaray ku...
Xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta Yemen, Mohammad al-Bukhaiti, ayaa sheegay in kooxdu beegsan doonto joogitaan kasta oo militari ama sirdoon oo Israa’iil ku yeelato Soomaaliya iyo deegaannada kale ee ku dhow xuduudaha Yemen.
Al-Bukhaiti ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, sida ay baahisay warbaahinta Iran ee Tasnim, xilli ay sii...


















