Saturday, October 31, 2026
Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta fashiliyeen weerar ay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamo la safan oo taabacsan nidaamkii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaaminayay Cabdicasiis Laftagareen ku qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Warbaahinta ciidamada Soomaaliya, SNA Radio, ayaa sheegtay in weerarka uu ku...
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa soo saartay saadaal ku saabsan xaaladda cimilada ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in roobabka laga filayo qaybo ka mid ah dalka xilligan lagu jiro xilli-roobaadka. Sida ay hay’addu sheegtay, caawa waxaa la filayaa roobab fudud oo u dhexeeya 5 ilaa 10 millimitir inay ka da’aan...
Sucuudiga, Qatar, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulan ka yeeshay sidii loo taageeri lahaa amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laga hadlay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida dalka. Kulanka ayaa ka dhacay magaalada New York, iyadoo uu ku beegnaa shirarka heerka sare ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho la gaarsiiyay heer sare, isaga oo sheegay in dowladda aysan ka tanaasuleyn tallaabooyinka lagu sugayo amniga caasimadda. Fiqi ayaa sheegay in Muqdisho ay gaartay heerka amnigeeda lagu qiimeeyo darajada “A”, isagoo tilmaamay in dowladda ay rajaynayso inay gaarsiiso...
Qabiil ka soo jeeda koonfurta Ciraaq ayaa sheegay inuu koox burcad-badeed Soomaali ah kala wareegay markab shidaal oo laga afduubtay, kaddib markii ku dhowaad 40 xubnood oo ka tirsan qabiilka ay u dhaqaaqeen gacanka Cadmeed si ay u soo furtaan markabka. Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegtay in xubnaha qabiilka Al-Shaghanba, oo...
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, taliyihii hore ee hay’adda NISA, ayaa bogaadiyay bannaanbax nabadeed oo ay dhigeen shacabka gobolka Hiiraan, isagoo sheegay inay muujiyeen geesinimo iyo adkaysi ay ku difaacayaan xuquuqdooda. Sanbalooshe ayaa sheegay in bannaanbaxu yahay muujinta rabitaanka iyo cabashada shacabka, isagoo si gaar ah u bogaadiyay xildhibaannada, siyaasiyiinta, odayaasha...
Hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dalal Afrikaan ah iyo kuwo kale ay wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay kaga soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland. Cirro oo hadalkan ka sheegay kulan lagu qabtay magaalada New York, ayaa sheegay in Turkiga uu dadaallo ka sameeyay dalal badan oo Afrikaan ah,...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda aayo-ka-tashiga iyo dowladnimada. Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay xal caddaalad ah oo waara,...
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa ka horyimd warqad ka soo baxday Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo lala wadaagay Qaramada Midoobay, taas oo ay Puntland uga  cabanaysay dowladda Federaalka. Cali Xoosh ayaa sheegay in warqadda uu Deni soo saaray aysan matalin ama ka tarjumayn mowqifka...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda nabadgelyo ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarradii ugu dambeeyay ee dhinacyada nabadda...