WAR FARXAD LEH
# Cilmi-baarayaal iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Soo Jeediyey Talooyin ku Saabsan Xalka Khilaafka Siyaasadeed iyo Doorashada Qaranka
Cilmi-baarayaal, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday Jaamacado iyo Machadyo ku yaalla Soomaaliya iyo dalal kale ayaa si qoto dheer u falanqeeyey shirarka aan dhammaadka lahayn ee u dhexeeya Dowladda Federaalka...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka ay Dowladda Kolombiya ku aqoonsatay sheegashada Israa’iil ee ku aaddan madaxbannaanida Buuraleyda Golan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsiga noocan ahi uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana uu ka hor imaanayo sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada...
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Xafladda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye Ku-xigeenka...
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xorriyaddeeda u soo celisay Sacdiya Macallin Cali, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj, kaddib markii ay xabsiga ku jirtay 122 maalmood oo u dhiganta in ka badan afar bilood.
Maxkamaddu waxay laashay xukun saddex sano ah oo horey Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu ridday Sacdiya, iyadoo...
Dowladda Talyaaniga ayaa Soomaaliya ugu deeqaysa lix gaari oo gaashaaman oo horey uga tirsanaa ciidanka booliska militariga ee dalkaasi, Carabinieri, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 170 kun oo euro.
Wareejinta gaadiidkan ayaa lagu sheegay hindise wareegto ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Talyaaniga, waxaana ansixiyay Guddiyada Arrimaha Dibadda...
Safaaradda Maraykanka ee Jabuuti ayaa maanta sheegtay in ciidamada milatariga Maraykanku ay qarax xakameysan ka fulinayaan agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Chabelley, si ammaan ahna loogu burburiyo saanad milatari.
Hawlgalkan ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay burburinta hub iyo saanad milatari oo laga helay mid ka mid ah diyaaradaha milateriga...
Garsooraha Soomaaliyeed Omar Abdulkadir Artan ayaa bog cusub ka furaya taariikhda kubadda cagta Soomaaliya iyo Afrika, kaddib markii loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo kulanka UEFA Super Cup 2026, oo ay isku wajahayaan Paris Saint-Germain iyo Aston Villa.
34 jirkan Soomaaliyeed ayaa noqonaya garsoorihii ugu horreeyay ee aan Yurub ka soo jeedin...
Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yasin Xaaji Samatar, ayaa ku dhawaaqday natiijada cod-bixinta.
Sida natiijada rasmiga ah ee lagu dhawaaqay,...
Safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday inay taageerayaan dadaallada lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo in awoodda doorashada dib loogu celiyo shacabka.
Wakiillada beesha caalamka ayaa sheegay inay Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kala shaqeynayaan...
Wasiirka Difaaca Turkiga Yaşar Güler ayaa magaalada Ankara kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Turkiga, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.
Kulanka oo dhacay maanta oo Isniin ah ayaa qeyb ka ahaa xiriirrada heerka sare ah ee...


















