Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in sannadkii ugu dambeeyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish lagu dilay in ka badan 800 oo dagaalame, oo ay ku jiraan 50 horjoogayaal ah.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay hadda bilaabayso abaabul cusub oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyadoo...
Puntland ayaa si iskeed ah u hirgeliyay nidaam dal-ku-gal, kaas oo dadka socdaalka ku taga gobolka looga qaadayo $60. Qiimahan ayaa aad ugu dhow $64 ee lagu bixiyo fiisaha elektaroonigga ah ee ay dowladda federaalka Soomaaliya hirgelisay.
Saraakiil ka tirsan hay'adda socdaalka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ku shaqeyso...
Zohran Mamdani oo ah nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Hindiya, islamarkaana kusoo barbaaray dalka Uganda ayaa ugu dambayn ku guulaystay inuu noqdp duqa Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Mamdani ayaa guushiisa ka hor culays xoogan iyo hanjabaad adag kala kulmay madaxweynaha dalkaas Donald Trump, hayeshee ugu dambeyn wuxuu...
Askar ka tirsan ciidamada naafada ee hawlgabka ah ee Somaliland ayaa saaka xidhay waddada gasha Wasaaradda Gaashaandhigga, iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan.
Askartan oo gubay taayiro isla markaana dhagxaan ku xidhay waddada, ayaa sheegay in ay naftooda u hureen difaaca Somaliland, balse aan la siin mushaarkoodii.
“Wasaaradda Gaashaandhigga wax galaya...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka ee Soomaaliyeed (Somali Internet Governance Forum), kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku adkeeyey muhiimadda uu leeyahay in shirkan laga soo saaro qodobo wax ku ool ah oo...
Dadka magaalada Minneapolis ayaa dooranaya duqa magaalada, taas oo laga yaabo in Omar Fateh oo ah senatar Soomaali–Mareykan ah, ka dhigto duqii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee magaaladan hoggaamiya.
Doorashadan waxaa ku tartamaya 15 musharax, waxaana lagu go’aaminayaa halka ku kala jiraan qiimaynta musharaxiinta, iyadoo Fateh uu la tartamayo...
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo adag oo sharci ah, kadib markii ay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u gudbisay dacwad ka dhan ah xubno ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS).
Tallaabadan ayaa timid kadib markii wasaaraddu ay fulisay waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta nidaamka...
Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha ee Somaliland (MOCAAD) ayaa maanta ku dhawaaqday amar cusub oo waajibinaya in dhammaan diyaaradaha rayidka ah - kuwa jadwalka leh, kuwa aan jadwalka lahayn, iyo kuwa ganacsiguba ay soo dalbadaan ogolaansho (Overflight Permit) ka hor inta aanay soo gelin, ka gudbin, ama ku...
Ciidamada amaanka dowladda Kenya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada saacadahii lasoo dhaafay deegaano dhowr ah oo ku yaala xadka ay la wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Howgalka ciidamadaan ayaa la sheegay inuu yahay ujeedkiisa mid looga hortagayo dhaqdhaqaaqyo xubno ka tirsan kooxda ay ka wadaan deegaanada dhaxa...
Wararka ka imaanaya deegaano hoos yimaada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in hooyo iyo carruurteed lagu weeraray dhacdo argagax leh oo dhacay, taas oo sababtay dhimashada hooyada iyo dhaawac culus oo soo gaaray carruurteeda.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka ay geysteen kooxo hubeysan oo aan ilaa hadda la garanayn sababta rasmiga...


















