Shaqaalaha ka howl-gala garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyagoo ka cabanaya go’aanka shirkadda Favori ee maamusha garoonka oo dhowaan shaqada ka joojisay dhowr ka mid ah shaqaalahooda.
Wararka aynu ka heleeyno gudaha Garoonka ayaa sheegaya in shaqaalaha la ceyriyay ay gaarayaan...
Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal xoogan oo deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Macawiisleyda iyo kooxda Al-shabaab.
Ciidanka Macawiisleeyda ayaa weerar ku qaaday fariisin ay maleeshiyaadku ku lahayeen duuleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal...
Afar carruur ah oo walaalo ah ayaa ku gubatay guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda October ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kadib markii aabahood oo cadhaysnaa uu dab qabadsiiyay.
Carruurta oo kala ahaa saddex wiil iyo hal gabadh, oo dhammaantoodna ka yaraa da’da 10 jirka, ayaa ku...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mar kale u tartamayo doorashada madaxtinimo ee dalkaas ee lagu wado in ay dhacdo Abriil 2026, taas oo noqon doonta muddadiisii lixaad ee uu xukunka u tartamo, kaddib markii baarlamaanka Jabuuti uu dhawaan meesha ka saaray xayiraaddii...
Dowladda Sweden ayaa dhowaan koox yar oo ciidan ah u dirtay Soomaaliya si ay u taageeraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada.
Joogitaanka ciidanka Sweden wuxuu ku saleysan yahay martiqaad rasmi ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya, waxayna iskaashi la leeyihiin Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika...
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa si adag uga hadlay dhacdadii aragagaxa badneyd ee ee Shalay ka dhacday deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolkaas.
Gudoomiye Najax ayaa ku hanjabay inaysan meelna gabaad ku heli doonin kooxahii sida arxan darada aheyd ugu dilay...
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka digay in Dowlad Goboleedyada gacanta loo geliyo maamulka doorashada xildhibaannada heer federaal. Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay dalka gelin doonto xaalad ka sii xun tii doorashadii hore.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay wali talada hayaan madaxweynayaashii dowlad goboleedyada...
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Mareykanka, Mike Johnson (R-LA), ayaa lagu cadaadinayaa inuu tallaabo ka qaado xildhibaan Ilhan Omar (D-MN), kaddib markii la sheegay inay ku guuldaraysatay bixinta deyn ay 2005 ka qaadatay Dowaldda, si ay isaga bixiso qarashka waxbarashadeeda.
Ururka kormeerka siyaasadda ee American Accountability Foundation (AAF) ayaa sheegay in...
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya ayaa maanta si kulul u cambaareysay dhacdo murugo leh oo ay hooyo Soomaaliyeed ku umushay afaafka hore ee Cisbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, halkaas oo ilmihii ay dhashay uu ku geeriyooday kadib markii ay hooyadu weysey daryeel caafimaad oo degdeg...
Warbixin ay baahisay waaxda BBC Verify ayaa daaha ka qaaday in hoggaanka ciidamada RSF (Rapid Support Forces) ee Suudaan uu ku hawlan yahay olole lagu xakamaynayo dhaawac soo gaadhay sumcadooda kadib markii ay soo baxeen caddeymo muujinaya xasuuqyo ay ciidamadooda ka geysteen gudaha magaalada El-Fasher ee waqooyiga Suudaan sida...


















