Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in dib loo furo kiiska dilka naxdinta lahaa ee lagu eedeeyay saddex ruux oo loo haystay dilka hooyo Safiya Daahir Wehliye iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo lagu dilay deegaan hoostaga Qayib bishii hore.
Go’aankan ayaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo soo baxay...
Puntland ayaa digniin xooggan u dirtay cid kaste oo hub sidata oo aan kamid ahayn hay’adaha amniga, iyadoo sheegtay in aan hadda kaddib laga leex leexan doonin in tallaabo laga qaado.
Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay, in ay tallaabo ka qaadidoonaan cid kaste oo hubaysan...
Gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Xuseen Maxamed oo Xalay si rasmi ah ula wareegay xilkaan ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono amni xumada ka jirta magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Maxamed Xuseen Carab ayaa xafladii uu Xalay xilka kala wareegaayay guddoomiyahii hore ee...
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisiciid Muuse Cali, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uu noqday meel hakad ku sameeyaan diyaarado si joogto ah uga duulayay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo u sii socday dalalka Liibiya iyo Suudaan.
Cabdisiciid ayaa sheegay in duulimaadyadan aysan ahayn...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ahaa ka yeeshay xaalada dalka Suudaan iyo dil wadareedkii dhawaan ka dhacay magaalada Al-Feshir ee dalkaasi Suudaan
Golaha ayaa kulankooda ku lafa guray sida looga gudbi karo dhibaatooyinka dhacaya dalka Suudaan, waxaana Goluhu ay ugu baaqeen dhinacyada isku haaya dalkaas in...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay Bilad Sharaf Qaran ku maamuusay dhigiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Biladd sharaftan Qaran ay tahay mid astaan u ah walaaltinimada, iskaashiga iyo ixtiraamka ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Xasan Sheekh Maxamuud...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn ugu bogaadiyay ciidamada amaanka ee ka howlgala magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho sida ay u xaqiijiyeen amniga Caasimadda.
Xamse Cabdi Barre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiin oo xilal ka haya dalka iney suurad xumeeyaan amniga Muqdisho...
Xildhibaanad Ilhan Omar, oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee dalka Maraykanka, ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda X (Twitter) in dalka Suudaan uu wajahayo musiibo bani’aadamnimo oo ka mid ah kuwa ugu xun adduunka, isla markaana ay halkaas ka socoto xasuuq ba’an.
Ilhan ayaa tilmaamtay in ay jiraan...
Dowladda Uganda ayaa maalmaha soo socda ciidamo cusub u soo diraysa gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM).
Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa, ayaa la hadlay guuto cusub oo askar Ugandha u dhalatay ah oo dhawaan loo diri doono Soomaaliya, si...
Ciidamada Israa’iil ayaa sacaadahii lasoo dhaafay duqaymo culus ka fuliyay meelo badan oo ka mid ah magaalada Gaza, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 40 ruux iyi dhaawaca ku dhawaad 100 kale.
Duqaynta ayaa xoogeeda waxay ka dhacday Xaafadda Saytuun, waxaana dadka dhibaatadu soo gaartay ay yihiin dadkii dhawaan dib...


















