Magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa saaka mar kale waxaa dib uga qarxay dagaal culus, kaas oo galay maalintii labaad, iyadoo la maqlaayo adeegsiga hubka culus isla markaana iska hor imaadyadu ku fideen xaafado cusub oo magaalada ka mid ah.
Afhayeenka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim, ayaa sheegay in dagaallada ka socda Baydhabo ay yihiin howlgallo amni oo ay ciidamada Koonfur Galbeed kula dirirayaan kooxo uu ku tilmaamay burcad hubeysan oo khatar ku ahaa amniga guud iyo xasilloonida magaalada.
newsinsideSidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Bilaal, oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalladu diiradda saarayaan baacsiga kooxo uu ugu yeeray “mooriyaan burcad ah” oo dhibaato ku hayay shacabka isla markaana caqabad ku ahaa nabadgelyada deegaannada Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, warar madaxbannaan ayaa sheegaya in ciidamada Koonfur Galbeed ay saaka weerar ku qaadeen guriga Wasiirka Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Elaay, oo ku yaalla magaalada Baydhabo.
Wararku waxay tilmaamayaan in dagaalka uu si gaar ah ugu xoogeystay agagaarka hoyga wasiirka, iyadoo la isku adeegsanaayay hub culus.
Wasiir Xasan Elaay oo wareysi telefon ah siiyay Dalsan TV ayaa sheegay in ciidamada daacadda u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ay weerareen gurigiisa, isagoo xusay in ilaaladiisu ay iska caabiyeen weerarka.
Waxa uu Madaxweyne Laftagareen ku eedeeyay mas’uuliyadda dagaalka, khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay, xilli uu sidoo kale jiro hakad isgaarsiineed oo saameeyay magaalada.
Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee khasaaraha, iyadoo xaaladda amni ee Baydhabo ay weli kacsan tahay, kana taagan yihiin walaac xooggan oo ku saabsan saameynta dagaallada ku yeelan karaan shacabka rayidka ah.











