Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgallo amni oo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan bariga gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu sheegay in looga saaray dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay taliska ciidanka.
Saraakiisha howlgalka horkacaayay ayaa sheegay in howlgalladu ay ahaayeen kuwo lagu beegsanayay goobo ay kooxda Al-Shabaab ku dhuumaaleysanaysay, islamarkaana ay qeyb ka yihiin ololaha joogtada ah ee lagu ciribtirayo joogitaanka kooxdaas ee dalka.
Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka, G/sare Cali Cagay, ayaa sheegay in howlgalkan uu hoos yimaado hawlgal ballaaran oo lagu magacaabo “Heeryada Cadowga”, kaas oo ujeedkiisu yahay in shacabka laga dulqaado dhibaatooyinka iyo tacaddiyada ay kooxda ku hayso.
“Ciidanka Xoogga Dalka waxaa ka go’an sugidda ammaanka iyo ilaalinta shacabka, howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaabna way sii socon doonaan ilaa gebi ahaanba laga ciribtiro dalka,” ayuu yiri G/sare Cali Cagay.
Howlgalladan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso tallaabooyinka amni, iyadoo kaashaneysa ciidamada wadamada saaxiibada la ah Dowladda.











